WAQOOYI BARI STATE OF SOMALIA
( North East state of Somalia)
Hordhac
Intii lagu guda jiray Shirkii ka dhacday Laascaanood horraantii Bishii july 2025, waxay hoggaamiyeyaasha Maakhir iyo SSC-Khaatumo si wada-jir ah u daah-fureen calan iyo magac cusub iyagoo ay ku saleeyeen taariikhda, juqraafiga iyo halganka wadaagga ah ee labada deegaan ee Waqooyi Bari. Tallaabadan — oo ay dadku u arkaan astaan midnimo iyo dib-u-curasho siyaasadeed — waxay ka dhigan tahay in labo deegaan oo soo maray marxalado kala duwan ay maanta u heellan yihiin inay yeeshaan hal astaamood oo metelaysa danahooda iyo himilada Somali-nimada.
![]() ![]() WAQOOYI BARI STATE |
Calanka Waqooyi bari
Calanka cusub waxa uu isku darayaa astaamahaa, isagoo qaadanaya buluugga samada, xiddigta midnimada iyo midabbadii Maakhir si uu u muujiyo in isu-imaatinkoodu yahay dhaxal ka weyn xuduud lagu tilmaamo khariidad.
Farriinta Siyaasadeed
“Calankan ma aha mid ku kooban hal degmo; waa ballanqaad muujinaya in SSC-Khaatumo iyo Maakhir ay yihiin hal quwad oo difaaceysa xuquuqda bulshada Sool, Sanaag, Bari, iyo Haylaan. & Cayn, una taagan ilaalinta midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.”
Dhawaaqaas oo ka soo yeedhay guddoomiyaha guddiga calanka ayaa tilmaamay in buluuggu uu weli yahay qayb ka mid ah calanka qaranka, halka xariiqyada hoostu ay xusuusinayaan isirka deegaannada iyo kaydka dabiici ah ee ay caanka ku yihiin buuraha Calmadow iyo xeebaha Laas-Qoray.
Calanka cusub ee Waqooyi Bari (North East) waa isbeddel oo kor u qaadaya aragtida mustaqbal wada-jir ah, isla markaana xushmaynaya hiddaha calamo ay hore u soo mareen. Waxaa la filayaa in lagu taago xarumaha maamulka, dugsi-yada iyo munaasabadaha sanad-guurada xorriyadda si loo xoojiyo nasabka iyo dareenka wadaninimo ee stateka Waqooyi Bari.
Dhinacyada abaabulka bulshada iyo qurxinta magaalooyinka, calankani waxa uu noqon karaa il dhiirri-gelin ah — ha noqoto xiiso dalxiis oo sawir-qaadeyaasha soo jiita ama hagitaan midabeysan oo loogu talagalay mashruucyada horumarineed ee gobollada Waqooyi Bari. Waxaanu sidaas ku noqday calaamad cusub oo u iftiiminaysa qarniga 21-aad.