Astaantan waa mid ka turjumeysa sumcadda, taariikhda, halganka iyo sharafka shacabka deggan Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxay si xeel dheer u matalaysaa qarannimo, maamul, iyo garasho qaran oo ka dhalatay baahida dowladnimo iyo is-maamul dadban.
CAASIMADA
Laascaanood waa caasimadda rasmiga ah ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, sidoo kalena waa xarunta dhaqaalaha, siyaasadda, iyo bulshada ee gobollada Sool, Sanaag, Haylaan, Bari iyo Cayn.
CAASIMAD KU XIGEENKA
Laasqoray waa caasimadda labaad ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, waana deked muhiim ah oo qadiimi ah oo ku taal xeebaha Badweynta Hindiya, dhanka waqooyi bari ee Soomaaliya
MADAXWEYNAHA
Madaxweyne Firdhiye wuxuu yahay hogaamiye si buuxda ugu istaagay difaaca dadkiisa iyo dhulkooda, isagoo door firfircoon ka qaadanaya nabadda, dowlad-dhiska, iyo horumarka deegaanka. Waxa uu astaan u yahay rajo cusub oo shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya u furmey.