XIRSI-GARDARRO IYO ISMAACIIL
Xirsi Guuleed Niigle iyo Kaarshe Guuleed Niiqle waxay ahaayeeen fabo nin 00 walaalo ah, afmaallo ah, dagaalyahanno ah si daranna uga soo hor jeedey dhaqdha- qaaqii Daraawiisheed. Wax badan ayay Daraawiish wax- yeello af iyo addinba u geysteen, siiba dagaalkii Jidbaale! kolkii uu dhacay ee Ciidammadii Sayidka lagu jebiyey. Kaarshe isagu wuxuu mariyey dagaalkaas dabadi gabay digasho ah 00 u jeeda niyad-jebinta Daraawiishta, waxaana gabaygiisii ka mid ahaa:
Gabaygaas Sayidku mid jawaab ah ayuu ka mariyey
Daraawiishta qooqani markay nagu qamaamaysey
Ma u qarinnay Maadhiin qacliyo qabar aan loosheegin
Ma u qubatay sida roob guyoo yare qayoonaaya!
Qudha kalama maarmine dagaal qiro leh maw Keenay i
oo’ay dulucdiisu ahayd: «Kaarshow, belo aad fashay ayaad ‘naftaada ku qirtay, waxaanad isa saartay eed iyo godob aad dad ula sinnayd. Hachow, kolkii lagu soo qabto oo ay dooshu kula meedho ha ka qoomamoon erayadaa shaydaanku afkaaka ku tiray», Labadaas nin waxay colaaddoodu socoto iyo waxay dataawiish hadba belo ku markadaanba ayaantii ‘dambe ayaa rag daraawiish ah 00 labo iyo toban ah, Ismaacil Mirena ku jirey geel ka soo qaadeen degmadii Xirsi-gardarro iyo cidihii la degmada ahaa. Xirsi iyo Kaarshe markay ogaadeen in geelcodii dhacan yahay ayay raacdo ahaan u soo rarteen labo awr; iyagoo isleh «bal soo eega cidda geela qaadday iyo halka lagu dambaysiiyey». Geelii oo ay Daraawiishtii wadatey daajinayso 00 meel dooxo ah oo godan haliba dhan n faalalayso, raggiina qaar hurdo, qaarna gaar hayo ayaa Xirsi iyo walaalkiis ogaal la’aan uga soo ‘kor dhaceen, dabadeedna nimankii gaarka ohaa ayaa si degdeg ah u qabqabtay. Halkaas ayaa laga taxaabay iyagoo xirxiran, waxaana la geeyey Xaruntii iyo Taleex.
Sayidkii oo daartii Falaad' ku jira ayaa loo geeyey, Isagoo Ismaaciil ka daba geeraaraya oo Ieh:
La ahaayeey !
Gardarrow la ahaayeey
Gaalo nuur daranaayoo
Gibilkeediyo jaahu
Gambo naag xun miyaa!
Markaas buu intuu xarafkii rogey yiri :
Xirsi jeenyo - warraablow
Wan haddii la qalaayo
Cadka kii wax taraayiyo
Walangaa la cunaayee
Igu weydsanidaa !
Waxa uu leeyahay, «Xirsiyow, haddii neef la qasho,cadka barruurta iyo dheefta leh ayaa laga cunaa, Adiguna, dugaye, dilkaagu maanta iima habboona! Waxaan jeclaa inaan dirir xun kugu helo 00 aan goob colaadeed’ qudha kaaga . jaro! Dilkaagu maanta qiime daranaa !». ,
Ismaaciil, si kastaba arrintu ha ahaatee, kama dayriyeen haddii Xirsi iyo Kaarshe laga aarsado oo chegta dhiigga loo daro. Taas Sayidku waa gartay, hase ahaatee nimankii ma dilin. Wuxuu xusuusiyey oo keliya gabayadoodii iyo dibindaabyadoodii ay Daraawiishta u geysan jireen iyo maanla imay gacan ugu jiraan. Xirsi iyo Kaarshe waxay codsadeen inaan wixii ay geysteen oo xumaan ahaa !o0 qaban, waxayna ku ballan qaadeen inay Xarunta wu soo guuri doonaan, xoolahooda u soo rari doonaan, tolkoodna wixii ay soo jiidi karaun soo jiidi doonaan. Sidaas ayay ku heshiiyeen,
Markii ay Taleex ka baxeen ayay ballankii ay qaadeen hal bacad Jagu lisay ka dhigeen. Xarun ay yimaadaan iyo dad ay soo jiidaan daaye, waxay sii xoojiyeen colaaddoodii iyo af-xumadoodii Ugu dambaystii, iyagoo col mahiigaan ah hor socda oo Daraawiish duullaan ku ah ayay labadiiba gacantii Ciidammada Sayidka ku baxcen. Halkaas baana Xitsi iyo Kaarshe dambe u dambeysey.