XARIGGU YEELKITS

Shan iyo toban gu iyadoo laga joogo kolkii Jaamac Cali nuur Ja diley 1944kii ayaa loo aaray oo Xirkayoon tuulada Wirwir la yiraahdo ee degmada Buuhoodle ka mid ah mee u dhow lagu diley. isaga iyo nin la socday iyo naag uu kaa dambe qabey. Goor galab ah isagoo sonkor iyo cunto kale tuulada ka miisaayaa ayaa la arkay, markaas haa loo kaadiyey inta uu carraabayo. Markuu hal cabbaar ah tuuladii ka maqnaa ayaa chawr nin ka dabo tageen, dabadeedna dhegta

ayay dhiigga u dareen. Intuba inta ka dhaqso lehe labadii reer waysu cifdan urursadeen, waxayna iska dileen dhowr iyo Jabaatan nin.


Taliskii Ingiriiska ee meesha maamulkeeda hayey ayaa arrintiisit soo galay. Rag uu Ismaaciil ka mid yahay ayaa jeelka Mandheera loo taxaabay, xoolana waa la xaraashay. Ismaacii markaas ka dib ayuu gabaygan soo socda mariyey isagoo raalli ka ah wax kasta oo xumaan ah oo loo geystey mar haddii Jaamac Calinuur loo aaray oo uu Xirkayoon wun aakhiro yahay .


Bilawga gabayga waxa uu ku ,xusay sida ergooyinkoodii loogu gacan sayray, iyo sida ay fyagu

maslaxo doon u ahaayeen kolkif ay codsadeen inaan waxba .gcelal la siine bogol orgi oo qura samirsiis loo siiyo. Waxaad mooddaa inuu gabayaagu afarta tuduc ee hore uga gilgilanayo eedays ay suurowdo in qaarkeen u jeediyo ama waxa uu ku sharciyaynayaa dilkii halkaas ka dhacay ee uu Xirkayoon ku dhintay. Wuxuu yiri:


Xagaa iyo xagaa baan ergada xeeb u yuururaye

Xurka nadday na siityaan amaan nalagu xeegaysan

Amay xayn orgiya noo xulaan xanan ma oogneene

Xaq la diiday iyo baane waa cirib xumaadaane

Xamarlaguxir xaarre iyo Jilib iyo xaskii Duurre

Xulaagii Gobley iyo Farxagalxararley meesheeda

Geeldidis xirkeediyo Togwacac Yucubta xiirxiiran

Xabley iyo xarkii sabansabdhiyo xagida meesheeda 

Xiiriyo Furriyo Laasadaar Odayo xooddooda

Xordaya  xawaalkii Cabdiyo xodayda gaagaaban

Dukaankii Xirsiyo xaajigiyo suuqa xultddiisa

Isagoo xunnaafyaynaya oo xeeshi samir mooday

Xirkayoon inaan ku arko wayla xaraarayde

Hadday xuuri shalay feenatay oo xawdi laga gooyey

Xaraashkiyo xigaalada luntiyo xariggu yeelkisa