XADATAA MA DHAAFTEEN
Daraawiishta iyo Taliskii Bogor Cismaan ee Boosaaso xaruntu u ahayd colaad guun ah ayaa ka dhexaysey. Dagaallo ayaa ka dhex dhici jirey, xoolana waa la kala qaadi jirey. Ayaantii dambe goor ku aaddan 1915 ama 1916kii baa ciidan lixaad leh oo Bogor Cismaan ka socdaa qaaday geel Daraawiishi Jahayd co «Miinanle» la baxay. In kastoo bocorka iyo Sayidku ay xagga siyaasadda ku kala tagganaayeen, haddana markaas ma jirin dhiillo cusub oo Daraawiishtu dhankaas ka qabtey. Geelii kolkii la qaaday ayaa la tashaday, dabadeedna waxa Ja guddoomiyey in rag ilaalo ah la dilo ka hor intean Bogorka col lagu bixin. Rag uu Ismaaciil ku jirey ayaa lagu amray inay tagaan oo war cad ka keenaan halka Miinanle lagu dambaysiiyey. Waxa lagu yiri, «Fardo ha fuulina, yaan mukushooda iyo muuqooda cadawgu idinku soo raacine». Ismaaciil tatadaas ma garivsan, waana ka gilgishey, wuxuuna gabay ku yiri :
Xayow aabbahay baa i baray Xamar aan fuulaaye
Xiis baan ku meel mari jirtyo Xaya darmaaneede
Farduhu Xaysimey naga jireen Xula dhaccediiye
Sengayaushan xoogea leh haddii lagu xambaareey,
Xadataa ma dhaafteen hashuu xaday Majeerteene
Lugi inay xadaafiir tahaan soo xaqiiqsadaye
Welina Eebbahay iguma xadin laba xagaafoode.
Intaas markuu yiri ayaa la wada garaystay, kolkaas baa ragii nin iyo senge loo siiyey, ivadoo la rumaysnaa inay farduhu ahaayeen hub had iyo jeer waxtar ah, siiba kolka dhul colaadeed la marayo. ‘