Waxay u badnayd muddadii u dhaxaysey dilkii Jaamac Calinuur iyo u aariddiisii inuu Ismaaciil gabaygii uu tiriyaba wax geeridiisii ku saabsan oo guubaabo ah ku daro. Dadka qaarkiis waxayba leeyihiin dhaar buu ku maray inuu Sidaas yeelo iyo inaan gabay uu mariyo Jaamac laga waayin ilaa lo» aaro.
Haddii guga ama dayrta midkood xumaado oo roobka da‘ay yaraa dadka reer miyiga ahi waxay isugu yimaadaan meesha hogosha ugu fiicani haleeshey. Bilawgii afartameeyihii goor ku aaddan ayay arrintaas oo kale Hawd ka dhacday, markaasaa waqooyi iyo koofurba laysaga yimid oo dad aan weligood meel wada degin meel wada degeen, dhac iyo diltiro badanna isu geysteen. Ismaaciil isagoo taas isku qarinaya, hase ahaatee dantiisa ugu weyni guubaabo tahay ayuu gabaygan soo socda mariyey. Wuxuu gabayga ku xusay arrin dhowaan dhacday oo uu qaadan kari waayey : Wadaad Cabdinaasr: la oran jirey oo Jaamac Calinuur adeer u ahaa ayaa gubadhiisii u dhisay nin Xirsi Mire magaciisu ahaa oo ka mid ah reerkii Jaamac dilkiisii. loo tirinaayey. Wuxuu kolkaas yiri ;
Ildoorka xugan oo tan iyo Xamar' ku soo guuray
Daaroodka Xiis’ iyo Berbera’ soo xutubinaaya
Xaskan baaga iyo geeddigeer la isxamaarsiiyey
Xarigga qoolan awrahan la xadi xaysrinkiyo goolka
Xirgi xumada’ Soomaalida iyo xoolo kala qaadka
Xabiibow allahayow wixii xigaya yaa. gaara !
Xaajada Xirsi iyo Aw Cabdi iyo Xididka aaboobey
Xannaanada guryaha joogta iyo xeebashada ceelka
Xaqa guudka laga awdayiyo xiidka ledi waayey
Iyo xuurkan ina Jaacamoo’ xalayto ooyaayey
Xabiibow allahayow wixii xigaya yaa gaara !