WIILYAHOW ILMAA IGAGA - TIMID
Gabaygan isna dadku aad u wada yaqaan ee ku saabsan guubaabadii Jaamac Cali waa gabayga ka kaca erayada kor ku qoran. Waxa uu gabayaagu arkay inan yar oo ninkaas Ia diley dhalay oo Maxamed la oran jirey. Inankii baa inta u soo dhowaadey ku yiri «Adeer Ismaaciil». Wuu dhegestey. Inankii baa haddana ku celiyey, «Adeer Ismaaciil». Ismaaciil intuu inankii indho tiiraanyo ku eegay ayuu yiri:
Wiilyahow ilmaa igaga timid aragtidaadiiye !
Qalbigaa i oogsaday markaad tiri adeerow e!
Abtirsiimo reer Cali haddii Eebbe kugu raacshey
Ararsamana’ kuu xigo nafluhu ka ayaan roone
Asaan cnigu odayoobayoon anafadii daayey
Ashahaado mooyee haddaan eebo ridi waaye
Allaa igu og inaan aabbahaa cidi u aarayne !
Ha ii iman hana i soo ag marin oohin tariddaada!