WALLEE CAAQILLADU TAY HAYAAN
Ismaaciil Mire markii uu damco inuu arrin qura wax ka yiraahdo waa u soo arartaa, meelo kale ayuu soo maraa, waa soO warwarecgaa, markaas buu gunta iyo wixii uu u dan lahaa u sco dhacaa. Rag badan oo gabya ayaa habka caynkaas ah na wadaaga, in kastoo isaga aan ararihiisa laga heli karin gabay ku faan iyo gooddi sida loo badan yahay.
Tixdan yar wuxuu uga jeeday inuu wax kaga sheego caaqilladii Ingiriisks: uu qortay ee laaluushka qaadan jirey, eexda iyo xaqdarradana dadka ku maamuli jirey. Saddexda tuduc oo ugu dambeeya ayay dantiisii, ku dhan tahay, inta horese waa arar iyo meelo soo marmar, Wukxuu yiri :
Wallee Cayn raggii degi jirow ciir ku tulan maysid
Wallee telo cigaal Faaraxow waad ku cirib beeli
Wallee ceel godiyo cuud dhaqaad Caligerow eedi
Wallee carab nimaan fuulinow caguhu way daali
Wallee tuug ciddow dhacahayow calafdhadh baa jooga
Wallee gabar ciddood nogotayey calow la’aan maysid
Cabdiyare haddaan shalay ogaa cudurtidii haysey
Caydiidna aabbihii ka tegey cadow intuu siiyey
Wallee curad nin koolkooliyow kuma caneegaaddid
Haddi cuurka reer Faarax Hagar culus xerayn waayey
Wallee caano gecl nin u bartow ka curdansaa dhaanta
Curdudkiyo jugleydiyo haddaad cagaleyda u yeedho
Oo habar dugaag oo cammiran cudud laguu siiyo
Maroodiga cawaarsaday hadduu ciidan kugu raaco
Wallee Cumar luglaawaw libaax kama codweynaatid
Haddii Caaddilnima loo gar nago ma laha ceebsale
Waxa lagu cadaab mudanayaa cad aan bannaanayne
Wallee caagilladu tay hayaan camal kalow dhaama