Raasamaalka miyigu sidaynu wada Og nahay waa geela oo uu nin kastaaba ku tallamo inuu xeradiisa ka buuxiyo. In kastoo Soomaalida miyiga deeqsinnimo siyaado ah lagu yaqaan, haddana geela bixintiisu nin walba oo haysta waa ku dhibd. Waxaase fira waxyaalo badan oo geela loo huro sida yaradka iyo magta oo kale.
Nin la oran jirey Maxamed Aadan Caws oo ay gab yaaga isku degmo ahaayeen ayaa beri damcay inuu gabar guursado. Markuu tabaabushihii yarad bixinta ku jirey “ayaa Ismaaciil dareemay ama ay la ahaatay inuu inanku
ka badbadinayo oo uu yahay nimaan geelu qiime ugu fadhiyin. Markaas buu gabaygan ku tusaaleeyey waxa u dambeeya ninkii inta dhallinyarannimadu qaaddo xeradiisa
ka mariya. Kolkii uu gabaygaan tirinaayey waxaad mooddaa inuu Ismaaciil maskaxda ku hayey maahmaahda Soomaaliyeed ee oranayca: «Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo ee wax loo hayaa lagu dhaqaa».
«Xididku wuxuu xil iska kaa saarayaa inta aad arooska tahay ce haluh'1 kugu dambeeyaan». Erayadaas weeye kuwa ugu waaweyn ee uu gabayaagu rabo inuu Maxamad ku baraarujiyo. Wuxuu tusaale u soo qaatay nin ka mid ah raggii dhaqaalaha gec'a dhibaatada u soo maray ee aan xataa ku dhiirran inay naago ku guursadaan, uuna ka midka ahaa Cali gaban’'.
Hadalkii wuxuu ugu soo dhammeeyey «Guri aan geel lahayni waa gaari batroolkii ka idlaaday oo kale. sida aan san dhaqdhaq lahayn reerka geelu ka martaa». Wuxuu yiri: baabuurku u dhaqaaqi karayn haddii batroolku ka go’o ayuu
Garaadlaawe Ina Aadanow guud caddaan ahaye
Guumeys ku xiga oo tashiga goyn karaan ahaye
Nin soo gaarey baan ahay raggii guurtida ahaaye
Guddoonkayga maqal yaad ka dhicin gebiyo dhaadheere !
Maandhow geyiga aakhir seben ee gubtaye waa shay
Ee laysu soo wada galee gacanta lays ruubay
Ee ragg.i Garoowiyo’lsaaq oodda Rala goostay
Ee Gaanniyo’ Geelle yare* geed isugu keentay
Gabaad’ iyo Nasiib’ iyo haddaad bixiso geelaaga
Goobtaad istaagtaba ardaa waa laguu guriye
Wanna waa la gegi sooryo waa shuqul gobaadeede
Faalaaga geedale hadday gabadhu kuu keento
Ganuun xoor leh iyo shaah haddii lagugu soo gaacsho
Isguufguuf daleed iyo xishood waa geddii xidide
Adoo gaajadii qaba haddaad gees isaga jiiddo
Haddii taqanku kugu geeddiyoo gama’ laguu diido
Garka huddaad ka goyso aad cabbaar gacan togaaleyso
Aad leyika gelinkiisa hore Gini la haasawdo
Hadday gacanta kuu soo qabtaan waaga galacdiisa
Gasab nimaan lahayn naago waa gola colloobaane
Googaale iyo caytan bay kula geleysaaye
Inay goqosha kugu laabayso oy guure xiranayso
Oo ay Galbeed iyo u kici dhulaanad gaareynin
Oo ayan gacal kuu ahayn geli colooshaada !
Awrgaal dhasaynaha hadduu golongolee qooqo
Wuxuu dhebida geylaamiyaba gamashigii bayrye
Gobannimadu waa halaha aad gadiba shaalleeye
Gaajiyo harraad baad u dhiman oo gun baad noqonne
Cali gabanba garan waa inuu naag ku guursado e
Goox buu u qaayibey iyo boor gogol la’aaneede
Waa gaari baatrool ka go’ay guri hal waayaaye
Golaha hayska marin cayri waa guuldarriyo hoose ! ;