Dadka qaarkiis uma adkaysan karaan inay dulqaataan isbeddellada mujtamacooda markii muddo la joogaba ka dhaca. Waxay jecel yihiin in wax waliba ku socdaan sidii ay ku arki jireen markii ay indho dillaacsadeen ama ay garaadsadeen, Ismaaciil wuxuu ka mid ahaa dadka jaadkaas ah oo durba la yaaba waxa ay dhallinyaradu samaynayso.
Wuxuu arkay duqowdii oo laaluushkii aan ka siqoonayn, gabdhihii iyo raggii oo isdhexgal xad Ja’aan ah yeeshay iyo habro iyo odeyaal gaboobey, oo halkii ay cibaadaysan lahaayeen, tumanaya cayaar markaas soo baxday «Widdiiley» Ja oran jirey. Arrimahaas oo idili waxay ula ekaadeen kuwo aan Ilaah u dulqaadan doonin, oo mar ay pogotaba uu tillaabo culus ka qaadi doono. Markaas buu baryey oo yiri, «Ilsahow anigu haddaba waxaas dembiga ah ec la walaaqayo kuma jiree, ciqaabka aad soo waddo gees iga mari oo waxa lagu kacayo awgood wax ha igu yeelin». Wuxuu yiri:
Guddidiyo gargeydhiyo' ardada soo gar nigi weydey
Afarta goonnidaag iyo kuwaa guraya laaluushka
Kiishyeda garkaa marahayiyo lacagta guuraysa
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan ‘haygu gelin siinnin
Oo hayou gubin waa adduun gees u foorara e!
Guudxiir gun iyo geelxeraad’ gaane iyo shaybe
Gabdhaha haatan loo wada sinmee geedka wada daaqay
Carmallada garbaha weyn leh iyo gootowyada qoogan
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinstinnin
Oo haygu gubin waa adduun gees u foorara e!
Habraha geedigii harahayee gaari kari waayey
Ee gurada lagu qaadayee guuxaya ee doobin
Garcadidaha' durbaansanahayiyo gaagurraha qooqay
Widdiileyda goonyaha ka bixi iyo galaayuuska’
Adigaan gacmaha kuu wadhay oo hoosta kaa galaye
Allahayow cuquubaday gasbaan haygu gelinsiinnin
Oo haygs gubin waa adduun gees u foorara e.