TODDOBAATAN ANIGOO JIREY
Lo’ uu Ismaaciil lahaa ayaa inan yar oo uu dhalay u arooriyey ceelka Laasadaar Ya ylraahdo. Meesha ceel kuma lahayn. waxa uu isku halleynayey ragaa ceesha ku leh kuwaas oo uu islahaa kolka ay xoolahaaga arkaan ayay fadhiga uga kii doonaan. Inankii kolkii uu aroorkti feeyey raggii foogey lo’dii sidii la filaayey xil iskagama ay saarin qaarkeedna waaba la gaawiyey.
Habeennimadi markay aroorradii soo laabteen ayaa wiilkii odaygii u tifaftiray dhammaan wixii ceelkii ka dhacay iyo sida lodoodi loo hagraday. in kastoo hebel joogey oo hebel kale joogey.Ismaaciil habeenkaas ayuu go’aan ku gaarey inuu tabcado ceel uu Ieeyahay, si aan dib dambe xoolihiisa iyo aroorkiisa loo ciilin. Subaxdii ayuu rag dhallinyaro ah soo urursaday oo ceelkii ku soo waaberiistey. lyadoo diyaar loo yahay in qodiddii la bilaabo, asii aan weli lagu inufan ayuu tixdan gaaban mariyey. Wuxuu inoogu shigayaa oo uu tilmaan ka bixinayaa wixii lo’diisii loo geystey, waxa in loo geysto ku jirrabay iyo waxa uu hadda damacsan yahay. Wuxuu yiri
Toddobaatan anigoo jirey oo tin iyo baar cawlmay
Oo cawsku tegey meel fogaan tiigsasho u joogo
Toban golo inaan dabo sugaa ma aha taageere
Tolka cadowga lagu oomiyaa waa tabtii hore e
Tiiraanyooday Quraclow sidii Tiica loc dilaye
Tibta geeska waxa xaabshey kaa taakulayn jiraye
Teeriga raggaan dabo sidaa tubay lo’daydiiye
Taraaraha ku yaal dhabarku waa tacab la’aantiiye
Tollaayey anaa baday buraan looga turahayne
Bal tafaga halkaa ceelku, waa kaan tilmaansadaye
Tamuuxdana ka soo gura wuxuu tegi ganuuntiiye.
Ninkii reer miyi ah oo aan xoolihiisa ceel u tabcineciil iyo dacdarro ma huro, abidkiisna kama baxo weeye xigmadda gabayga ku jirtaa.