TIIRKII HOBYOOD WAA LA GUBI
Daraawiishtu Ingiriiska, Talyaaniga iyo Amxaarada keliya col lama ahayne, waxaa intaba uga darraa Soomaalidii afarta geesood uga xeerrayd ee Bogorrada kala duwani u kala talinaayeen. Waxay colaad xumi ka dhexayscy dadkii «Rayad» la oran jirey ee ingiriiska maamulkiisa ku hoos noolaa, kuwii «Dhabayaco» lagu magacaabi jirey ee ay Keenadiid iyo Cali Yuusuf Hobyo ka xukumaayeen, dadkii «Garcas» loo yigiin ee Baargaal iyo Boosaaso looga talinaayey, dadkii Maxamuud Wali Shire hormuudka u ahaa ee calaha Ceerigaabo degi jirey iyo Soomaalida Galbeed ee aan iyaga weerarradoodu§ Daraawiish ku badnayn, hase ahaatee ay weligood col ahaayeen.
Sayid Maxame‘d iyo Daraawiish colaaddaas Soomaalidu way uga darrayd tan gaalada, lamana sheegin dagaalladii Ingiriiska iyo iyaga ka dhex dhici jirey mid Soomaaliyi ka inaqnayd. In badan ayaa Sayidku arrintaas ku soo qaaday gabayadiisii faraha badnaa iyo warqadihii ay madaxda Ingiriiska isu diri jircen. Im badan baa Sayidku nimankaas ku yiri, «Car idinkoon Soomaali wadan oo keligiin ah dagaal iigu imaada». Taas Ingiriisku marna ma yeelin, maxaa yeelay lagama maarmaan bay ahayd inuu helo Soomaali jidka marisa oo la cagaal gasha.
Waxaa dhacday cadowga intaas farihiisu ahayeen oo gaalo iyo Soomaali isugu jirey inay Daraawiishi awood u yeelatay inay u jilih dhigaan. Siyaasadda dagaallada ee Sayidku waxay ahsyd in qolo walba oo cadowgooda ka mid ah halkooda “zdis ahaan col loogu geeyo inta aysariyagu weerar Xarunta Daraawiisheed ku soo _ gaacin!. ‘Sidaannu meel hor2 ku soo sheegnay Daraawiishtu iyadoo siyaasaddaas ku socola waxay (weerar ku qaadeer Berbera, Boosaaso, Hobyo iyo meelo kale. Colkaas Daraawiisheed ee meelaha fogfog dagaalka ka tuuri jirey Ismaacii midna kama magqnayne waa ku jirey.
Taleex ayaa beri Sayidku ka diray koox Daraawiish ah oo uu Ismaaciil ku jirey, loona saantay inay Hobyo socgubaan. Waxaa la taray inay «Abqow» meesha la yiraahd sii maraan halkaasoy ay joogaan, Yuusuf Shiikh Cabdillen: ‘ku dhaqaaleeyo fardihii Daraawiisheed, si uu ninba fara wacan uga fuulo. Markii ay Abqow tageen ayaa Ismaacit gabay gaaban mariyey, isagoo la hadlaya Yuusuf, kani. ‘codsanaya inuu geenyo wacan u soo gabto. Wukxuu yiri:
Taleex iyo Abqow' Yuusufow waa tub kala dheere
Toddobaan ka soo dhaxay halkay tiil Dariigaduy
Isku tiitka socodkaa manjuhu soo tartamayeene
Wixii aad tartiib igu ogeyd tiicis baan ahaye
Tan inaan fariistaana waa tacaddi diimeede
Wax jahaadku taawinahayaa tan tyo Ceelhuure
Tiirkii Hobyood waa la gubi taan niyeysnahayr
Waa bahal tarrari neef colaad kaa tewaliyaaye
Abtow Togayar ii gabo adaan kuu tawaawe caye ;