Gabayadii guubabadii Jaamac ku Jug lahaa ee uu Ismaaciil kolkuu ayaan joogaba mar tirin jirey waxaa ugu beleysan midkakan. Tusaalooyin xoolaha iyo dugaaggu side ay isu jecel yihiin ku saabsan ayuu u horraysiiyey. Waxaa la moodaa inuu nimanka uu guubaabinayo. ee uu mid midka u magac dhebayo uu ku leeyahay, «War ma lax baydun ka liidataan ? ITyaduba ilmaheeda way ku soo oroddaaye ! War maydun ninkiinnii la diley u aarguddaan ? Sagaaraduba ilmaheeda haddii guduudane qabsado kama carartee !. Wuxuu gabaygii ku yiri:
Jambeelkuba' sagaarada hadduu jeexa ka ugaaro
Jumbulkeeda’ xuurka ah hadduu kaga jigiiqsiiyo
Kama jiidatee waw cidaa jiiska habartiiye
Laxuna waw jalaaddaa ilamaha jiirka kaga yaale
Lixda jilibee reer Caligerow Jaamac ma illowdey!
Ina Dhawrahaan' jaajin jirey Jaamac ma illaawey ?
Duryankii! jiritiddada xumaa Jaarac ma illaawey
Axmed Ciise* jaahiisu gubey Jaamac ma ilaawey ?
Reer Maxamadkii jilicsanaa Jaamac ma illaawey ?
Jannadii ma tage reer Warfaa Jaamac ma illaawey ?
Ina Mirahaan’ jiibinahayaa Jaamac ma illaawey?
Jawaab daarkii* Ina deyl ahaa Jaamac ma illaawey ?
Gureygii’ jalleecada xumaa Jaamac ma illaawey?!
Sidaannu tuduca tobnaad uga jeedno Ismaaciil ragga uu guubaabada u jeediyey iskama reebine wuu isku daray, si aan loo oran: Miyaan isaga Ina Calinuur xil ka saar- tayn ? Ama isagaaba isdhalliilayey oo ku talo jirey inuu tllaabo cad qaado. In kastoo ay gabayada caynkaas ahi kolba Ismaaciil ka soo baxaayeen, haddana sida ay caadada Soomaalidu tahay Caligeri oo ahaa nimankii ninku ka maqnaa marba ergo mag-doon ah ayay Barkad u diri jireen. Gabayaaga ergo walba waa la raacin jirey, iyadoo Ja tixgelinaayey xiriirka isaga iyo Jaamac ka dhexeeyey ee gaarka ahaa.