SILSILADDA SAAJIMMADA


Carruurta reer miyiga waxaa lagu yaqaan inay tuulooyinka iyo magaalooyinka jecel yihiin. Kolka ay xoolaha wax ka soo arooriyaan oo Ia shubo waxay doonaan inayan ciddii ku noqone ay intii cabbaar ah lug dambeediyaan oo dukaammada iyo waxa yaal tiirsadaan. Ninka reer miyiga ah oo ilmahaas dhalay saas aalaaba ma oggolaado, markuu sifaalahaas ku arkana wuxuu saadiyaa inuu nogon doono dawdar xoolaha neceb oo aan caaqgiho dambe lahayn.


Ismaaciil iyo rag kale oo geel meel ku haya ayaa inan yar oo Saleebaan Cali la yiraahdaa hadba ka baxsadaa oo tuulada u cararaa. Waa la soo celiyaa oo geela loo keenaa, suu misana waa cararax. Maalintii u dambeysey oo la soo celiyey ayaa nin adcerkiis ahi sargedo la dhacay. Ismaaciilmarkaas inankii yaraa gabay waano iyo tusaale ah ayuu balkii uga jeediyey. Waxa uu ku tilmaamayaa cirib xumada haysata wiilka xoolahooda ka dhaqaaqa, dabadeedna taga tuulada iyo magaalada aan ciduna ugu jeefaafayn. Wuxuu yiri 


Saleebaa gahayrow haddaad soofka celin weydo

Adigoo sagaal jira haddaad sidatan yeelayso

In sarwaamo kugu xiimayaan saa anaa huba e

Dabadeedna waad siibanood tegi sidaadiiye

Adoo suuxsan baad tegi harkii sabadi Ceeldhaabe

Sixni hiliba seedaley barniya sararo geedeysan

Magli iyo sanuunad iyo kibis saa’il lagu dooni

Sooraadan helahaynin buu saarku kuu qabane

Dukaammada sareedada leh iyo suuqyadaad xullye

Markaasuu sun ligihii ku marin surin cirliryoone.

Saaq iyo adoo rubi xadaa lagugu seetayne

Silsilad bay manjaha kaaga xirl saajimmadu dheere

Nin sebaan ka lumayaad tahood seeggan taladitye

Samow aabbahaa Cali hadduu samirba kaa foogo

Sal ku yeelo meel uun naftaad sababi doontaaye