SHILLINKII XINDUUGAN
Qalcadihii ama daarihii badnaa ee ay Daraawiishta dalka ku ballaarisay waxaa mid walba loogu talo geli jire: saad ama waxa haatan «miisaaniyadda» loo yaqaan. Xoolo faro badan 00 maamulka lagu socodsiiyo ayaa la dooni fire: kolkii daar cusub ta dhisayo.
Daarta Jarritban markii ay dhisayeen ayaa col dantaau socda lagu saaray degmooyin ka mid ah kuwii Hobyo loog talinayey: kaas oo sida la yiri ka koobnaa toddoba boqo oo dab leh. boqol iyo afartan faras ah iyo dar kaloo badan oo waranle iyo lugba ah.
Meel Xinduugan Ia yiraahdo oo haatan ceel laga cabbo ah Gaalkacyana raacsan oo geelal loogu sheegay ayay soo beeg sadeen. Degmooyink‘i halkaas degganaa kolkii ay ka war heleen inay Daraawiishi dhulka ku jirto ayay geelashii qaxiyeen. hase ahaatee aryowgii bay ka tageen. Colkii markii uu yimid meelihii geela loogu sheegay oo tuludna ka waayeer ayay niyad jabeen. Wanxay la kulmeen aryowgii oo tubar oo qaxid loo diyaarinaayo, markaas bay ciil daraaddiis, kame tegine, horta marsadeen!, Gaajadii haysey ayaa ka fuqday kolkif ay galqasheen wanankii shilista ahaa oo ay heddana caanihii ariga caloosha ka buuxsadeen.
Ismaaciil isagu ma niyad jabin, gee! la’aantana kama xumaan mar haduu ari helay! Gabay ayuu atrimahaas oo idil ka mariyey oo ahaa:
Shillinkii Xinduugan haddaan shalay jahaad geeyey
Shigta weerar guutadu hadday sheed walba u gaadday
Shaaruflaha Majeerteena hadday shidatay reerkiisa
Haddaan shaaca waaberi u raray shubitinkii ceelka
Shamsadoo nin jooggiya haddii loo shinshimay
awrkaArlada gaaddankii shaabbaha shaamareer' dhigaye
Gebagebada shiilka ah hadday garo ka shawlaysay
Shan-fac-alluu-gub gaalada haddaan sheemo kaga teednay
Shuqulkii mindtilaha’ haddii shaarrufluhu yaabay
Horweyn lagama soo shubo gunaan shucub’ ka foofeyne
Anoo shiiday baan helay wankii shirixa weynaaye
lShiilliinka ii keen Hach waw shukriyayaaye
Nin shahiida baa loo ogaa inuu shaf goostaaye
Nimcadcan shareecada ku helay yaan ka shaabacaye
Shaashleyda’ ii sura ratiga shaambin dabadeede !Gabayaagu kolkii wu dagaalkii tilmaamay oo uv inoo sheegay inay aryowsti gebagabeeyeen ayuu haddana si cadu fideystey inuu waxa uu ku kacay ay xaq yihiin, maxaa yeelay, waa shahiid weerar u taagan, rabbi baana u banneeyey, rayigaas wuxuu ehaa mid ay Daraawiishtu wada aamminsanayd, dadka kalena ku diiddanaa. Waxay qabeen inay banaan tahay dadka dagaalkooda ka hor jeeda in la laayo, xoolahoodana la dhaco. Qofkii aan Daraawiish dhinaca saarin oo aan sidooda wax kasta la-dagaallanka Ismaaciil uhurin waxay u qaadan jfireen cadow gaalada la mid ah oo colaadintiisu jid tahay.. Arrintaasi waa mid tan iyo maanta Jaga murmo oo dad badan isku diiddan yihiin, aniguna ku dheeraanayn, say meesheed ma ahee!