SAADDII LA ARAG
Ismaaciil markii ay geeridii Jaamac ku timid ee uu biilka iyo garabka « baahnaa ma uu helin wex u jiir naxa taggii gabyi firey ce uu hiillada ka filanaayey uuna islahaa sidaad uga xun tahay ayay uga xun yihiin. Raggaas oo Aadan-Carab ka niid ahaa, Calidhuux ka mid ahaa, Samatar Baxnaanna ka mid ahaa waxay iska dhigeen niman dhexchexaad ah oo aan iyaga sida Ismaaciil aardoonkaas xil uga Saarrayn.
Dhexdhexaadnimo kuma ay ekaane waxay soo tiriyeen - sidaannu soo aragnay gabayo guubaabo ah oo jifida Ismaaciil ku jeeda. Jyadoo arrintu halkaas marayso, welina aan Jaamac loo aarin ayaa waxaa la dilay Xaaji Cumar Camey iyo Axmed Citge oo ay Aadan-Carab iyo Samatar Raxnaan isku reer Hagar ahaayeen. Muddo ayaan magna laga qaadan. wax kalena dhicin. Markaas baa Ismaaciil gabaygan soo socda mariyey, isagoo labadaas nin oo gabyaaga ah ku eedaynaya inay iyagu waxa ku dhacay saarsadeen ama Tlaah ka baryeen kolkii ay isaga caraadinayeen.Wuxuu yiri:
Maraakiibtu sanacay sidday suub ka oloshaaye
Markuu khabarka saadinahayuu zalow sannaaraay?
Sareedada ma hayn karo ninkii seben ladnaadaaye
Saxal buu u yeedhaa qabiil loo sed buriyaaye
Saaddii ta arag Aadan iyo Samatar qaysheene
Kuwii nagu sayaxay maalintaan sugayey hitlkooda
Salsallow-yey gabaygoodu kaan saarsadee hore e
Saddexdii Lahayd Ina Cisaa saamax mudanaysa
Aan saagna laga qaadanayn sooma rogahayne
Allaylehe hadday sidaydii samir la luwudeene.
Markuu gabaygaas mariyey ayaa la weydiiyey micnaha tuduca siddeedaad iyo waxa hore ee uu saarsaday. Markaas buu yiri: «Waa baa waxaa islaayey labo cidood oo reer Burco ah. Dagaalkuna wuxuu ka kacay rati nin uu ul ku dhuftay. Dabadeed ninkii ratiga Ishaa iyo raggiisii waxay dileen nin caan ahaa oo Rooble Roorgodan la oran jirey. Markaas baan iri:
Nimankii ratiga dhaawacay ee Rooble laga toogtay
Yaa yiri riyii xigay ninkii raadco uma yeelan
Rafisana miyaan laga helin rubina waa qaane
Maxaa reer ayeeyahay' ku raran tii rabbay nogone !
Sidaas daraaddeed, ayaa gabayadii Aadan Carab iyo Samatar Baxnaan ugu eg yihiin gabaygaas gardarrada ah ee aan ku laqwiyey, dabadeedna aan Jaamac Calinuur ku waayey. lyaguna waa sidii oo kal; gabayadoodii digashada ahaa ayaa nabsiyey, waxa soo gaareyna soo gaarsiiyey.