Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayada xikmadda iyo waayaaragnimadu ku dhan yihiin ee ay dadka Soomaaliyeed Ismaaciil Mire ku xusuustaan. Waa gabay ka mid ah gabayada murtida Soomaaliyced oo lama illoowaanka ah kuwa ugu horreeya. Sababtii gabayaagu inuu tiriyo ku Gasabtayna waxa lagi sheegay sidatan :
Carab Cawaale Jaamac oo lagu naynaasi jirey «Carab dheere» ayaa ceelka iyo magaalada Laascaanood Ingiriisku maamule uga dhigay. Wuxuu ahaa saajin kibir badan oo aan dadka uu maamulo innaba naxariis u gelin. Wuxuu colaadin jirey, baa la yiri, dadkii berigii hore Daraawiishta ahaa ee aan markaas lahayn tabar iyo taag ay gardarradiisa isaga celiyaan. Maalinta ay Ismaaciil is arkayaan maalintii ka horraysey ayuu Carab dheere wadaad Aw Yamiin la oran jirey si foolxun dhibaato ugu geystey; intuu geed ka soo Iulay eyuu xiniinyahana ka xiray
Ismaaciil isagoo tillaabadaas xoolannimada ah ka murugeysan ayaa Carab ku yiri, «Ismaaciilow, waxaan doonayaa inaad caawa, aroos baan leeyahaye, gabay ka marisid». Ismaaciil intuu dano sheegtay ayuu ka cudur daartay oo yiri, «Hawlaa ii yaal oo carraabaa igu fjirtee raalli iga noqo». Carab ma yeeline tiisii buu ku adkaystay, isagoo aad mooddo inuu madaxnimadiisa kaashanayo. Maxaa ka raacay ? Isagii buu iska rogey intii uu gabay ammaan ah tirin Ishaa. Wuxuu ka sheekeeyey qaar ka mid ah raggii Socomaaliyeed ee ay u ahaatay, dabadeedna uu faraskoodii la gaabiyey, kibirkoodiina eeday. Raggaasi waxay dhammaan ahaayeen rag garab tlahaa ama xoololahaa oo talo xumadoodii eersaday markii ay calooshooda la cayaareen. Wuxuuba gabayga ku xusay Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo isaga Ismaaciil ahaan ay la nogotay inaan dhaqdhaqaagiisii baabba’een haddii xarunta gudaheeda ammaan lagu heli lahaa oo ay reer Khayr ku nabad geli lahaayeen. Dadka gaarkiis marka ay crayadaas Ismaaciil akhristaan waxay u qaataan inuu Sayidka iyo Daraawiishta ku ballan furay, hase ahaatce taas waxba kama jiraan, ra’yi ninka madaxda kuu ah aad ku khilaaftaana macnaheedu ma aha inaad dhammidiis diiddan tahay.
Nin kasta oo gabaygan dhexdiisa lagu xusay wuxuu leeyahay sheeko yaab leh oo ku tusaysa sida uu Ismaaciil ugu dhuun dalooley taariikhda degaankiisa iyo mujtamaca uu ku soo dhex koray. Ismaaciilna wuxuu gabayga ku yiri:
In kastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo
Bad kalluun ku jira kay ku tahay amase koob Shaaha
Kulligood addoomaha rabbow qaybshey kibistiiye
Nin waliba wixii loo katibay waa la kulansiine
Ninna inaanu soo kororsanayn kaa ha la ogaadol
1. Kufri tyo islaan loo collow kaysihiti hore e
Kaakici wadaadkii jahaad laguna kaalmeeye
Kumanyaal iyo lag wada duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go’ay markuu kaday raggiisiiye
Kabaalkina wuxuu jabay kolkuu kariyey reer khayre
Ragow k:birka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
2. Anaa dunida keligey leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma gelin wiilal baa keybka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
3. Kaysahu adduun ina Ammaan kama qarraacnayne
Ragba keeno geli buu isyiri waad u korraysaaye
Isba kii arsaa’iley ma hadin kamana yaabayne
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
4. Ninkii koob nimca ah fiiqsadee kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiile
Kulligoodba reer Hagar anaa kiinahaa dilaye
Kamma Sugulle maalintii sidii kuray carruureede
Ficil baa kacshaye naagta waa kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado
5. Kuwuu Muxumud waal raray hadduu saanta uga kaadsho
Kulcad uma dileenoo ciyoon koor ma geliyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaadol
6. Afxakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Caluu yiri intuu Kaaha guursadaye
Kii kalena kaal weyn u tumey karina waabay e
Kalluun shebeg u yaal buu ahaa kicina sheydaane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
7. Kelyo caano galeen baa ninkii kiciyey dheeraay?
Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala kharaaraa dhunkaal kulanki goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufjaa kaa ha la ogaado
8. Ammuuraha ma kaadsado ninkay kado shidaysaaye
Kalaankuu lahaa ina Gallayr kahay gadaalkiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kelyaha kuma jareen kii uu quursadaye
Ragow kibirka waa laku kufaa kaa ha la ogaado
9. Lixda koose Reer Caligeree kow isaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa gabaal waana kabannaaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha ogaado
10. Nin kuwaa ka dhigan baan arkaan kadab u laabnayne
Karraysaha intuu buuxsaday oo kaman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Ka shib dhaha Islaamow naftii kii ladnaa gadaye