Ismaaciil isagoo darwiish iska ahaan jirey oo aan abidkiis magaalo iyo xaalkeed dhex gelin ayuu beri intuu burco aaday ari safarsaday. Kolkii uu ambabaxay ayaa dadkii ay wada degganaayeen sida caadada reer miyigu tahay, waxay u sii dhitbteen wanan iyo neefaf kale si uu ugu soo iibsho, ka dibna lacagtii ay baxeen wixii ay rabaan ugu soo gado.
Magaaladii markii uu galay o o ay habeenkii baryeen ayay waagu markuu beryey dillaaliintii ku soo yaaceen oo arigii oo idil necfba baal ula kacecn, dabadeedna waxaan macne Jahayn oo aan xoolihiisii u dhigmin ku samriyeen.
Kolkii uu ciddii ku soo laabtay ayaa dumarkii xoolaha wax ku lahaa ku soo qamaameen oo midiba geesteeda ka tir, «Wankaygti muxuu baxay ? Orgigaygii immisaa lagaa siiyey ? Maxaad aniga ii waddaa ?» Dabadeed, markuu ogaaday inayan isu dhigmin waxa uu hayo iyo waxa laga doonayo ec dadku ka filayo ayuu gabaygan caanka noqday ee qosolka !eh tiriycy.
Waxaa layaab leh sida uu u tilmaamay habka suuga wax looga iibsado, sida ay dillaallaydu dadka u_ siraan sida ay isugu baaqaan marka ay wax kala iibinayaan o o ay gacmaha uga hadlaan iyo guud ahaan derbiga u dhexecya qofka reer miyiga ah ee ay markaas magaaladu ugu hor tahay iyo midka hawshiisu dillaal uun tahay oo u taagan inuu kaas hore wixiisa ka meersado.
Wuxuu gabayga ku yiri, isagoo si gaar ah dadkii wax u dhiibtey u jawaabaya, guud ahaanna wixii uu soo arkay ka sheekaynaya :
Naagyahay awow iyo awow iyo abkaan sheegto
Tyo anigu abidkay ma arag iibsi lacageede
Aqdaan buu lahaan jirey raggaan ka isirraa waaye
Ol olaan wax kaga qaybsan jirey ululuf duullaane
Marii baan umaamaday waxaan aabbahay alin
Afar waxaan u dhaxay tuuladii awrta loo raraye
Albaabkii Burcaan tegey anoo aaladdii sida e
Imminkitba lay yimid sidii eegi lay yahaye
Ooggii koray nagu kaceen ari dillaalkiiye
Dar iitncanka laga qgaaday baa noo aloogsadaye
Amankangay goortay wankii araxda tuujeene
Intaa weeye iyo ma ahadii la is ilaagaayey
Asaraartankii baa qalbiga aad wax ii dhimaye
Il marocjihii bay khatalay kii aan aaminaye
Afar bawlad laga gooyey bay igu asluubeene!
‘Anigoo arkaayaa gamcaha laygu iibsadaye
Arigaad i weydiinaysaan uun kalow baxaye
Kuwo bogonta ood laga suray ila ahaayeene
Ushaa jeedal iyo suufaf bay igu illaaweene
Ascaartaba rag bayga badshee idinku weydiiya.