ODAY TALADA LAMA DHAAFIYO
Nin Saleebaan Caabbi la yiraahdo oo col humayey, doonayeyna inuu Jaamac u aaro ayaa isla beryahaas Ismaaciil la kulmay. Wuxuu arkay ninkaas oo aad u caraysan oo ku tallamaya inuu wacdaro geysto oo dilkii Jaamac degdeg loo eedo. Ismaaciil taas wuxuu u qaatay talo xumo, dhallinyarannimo iyo digniin baxaysa. Markaas buu weydiiyey oo yiri, «War saleebaan, maxaa dhacay oo aad la gam’i la’dahay» ?. Gabay aannaan helin buu kolkaas Ina Caabbi halkaas ka mariyey oo uu ku sheegayey waxa uu doonayo iyo goolka uu dhali isleeyahay. Markaas kuu Ismaaciil tixdan gaaban oo waanada iyo tusaalaha ah mariyey :
Tixda gabay ina Caabbiyow tuducba waa meele
Tahantoog ma huro meel haddaan tuba la qaadsiine
Tollaala’ayda iyo qayladaal tolatay waa yaabe
Tiiraanyo iyo ciil rag qaba turuqday boogtiiye
Oday talada lama dhaafiyee iga ta’wiil qaado
Durba lama tallaabsado haddaad tooggo leedahaye
Tol baxnaani baa igu jirtiyo tacab rasaaseede
Haddaan dunida taambuug cammirin tani ma joogteene
Wallaan tuurta loo wada, degeen tawllanoo
magane Ismiir baygu taagane intuu tegayo ii kaadsha !
Nin tayuso maaggani inuu telelo waw ceebe
Tayaaqadu digniin kama taggana laysa tebiyaaye
La turba oo tilmaansada nin raga tuush ma aargudo e!
Tuulada markaad ugu tagtaan taaha ka ogaada !
Salaanaan tolnimo hoose jirin midigta taabsiiyal
Tagoogada miday kaga jabaan toogta la ogaada !
Inta taranta reer Cali fadhido tacaddigii raadshal
Tollaala’aye aarsada sidii tabaxsayow aarka !
Gabaygaas Ismaaciil ee aannu soo aragnay waxa aan laga aqoon gabay hore ee Sayidku Ismaaciil laftiisa wu u tiriyey ee ka bilaaban jirey :
ismaaciil Mirow taladu waa aydin kaa maqane
Labada gabayba waxa ay tusaalaynayaan sida ugu habboon ee xaqa magan loo raadsado, iyadoon lagugu garan oo aan lagaa digniin helin.