Khaliif Shiikh Cabdifle oo ay Sayidka Walaalo ahaayeen ayaa madax ka ahaan jirey Xaruntii labaad ee Daraawiishtu Webi Shabeelle ku lahayd. Daraawiishi markay kala qaxday ayay kooxiba meel beegsatay; koox Nugaal isaga hadha, koox Calkii Ingiriisku fadhiyey u caradha iyo koox Sayid Maxamd raacday oo xaruntii Khaltif foogey ku soo dhex dhacday. Sayidka tyo ciidankii la socdey kolkii ay Khaliif u tageen waxay la kulmeen Xarun dhaqan oo geel, lo’ iyo xoolo kaleba gacanta loo geshey !. Degmooyinkii halkaas degganaa intoodii badnayd Sayidkii ayay dhinaca saareen, markaasuu isna isku deyey inuu Daraawiish marlabaad soo nooleey oo jahaad hor leh qalqaaliyo.
Ingiriisku kolxi uu ogaadey in Sayidkii halkaa fariistay ayaa cabsiyi ka gashay, wuxuuna maleeyey inay suuragal tahay inuu inta xoogeysto rogaal soo celiyo. WakiilkiiIngitiiska waqooyi fadhiyey ee la oran jirey Sir Arche (Caarshe dheere) ayaa soo soocday rag toban ah oo caan ahaa’, Waxaa loo dhiibay warqado iyo farriimo lagu leeyahay, «Ina Cabdille Xasanow isdhiib, hubka dhig, dhulka meeshii aad ka dooratana deg, sida wadaaddada kalena u noolow. Hadalkaas Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay,raggii soo jeediyeyna wuu ku.ceebeeyey. Nimankaasi runtii ilaallo Ingiriis ayay ahaayeen, Sayidkuse sida aan qabo taa magaran; maxaa yeelay hadduu garto waa la layn lahaa ama xarunta ayaa lagu hayn lahaa. Aad baa loo soo dhoweeyey. Waxaa Joo waabay geed qurac ah oo weyn: halkaasoo lagu soorayey intii ay joogeen oo idil. Odayada qaarkood waxay leeyihiin: Wax Ja yeelo daaye gabdhaaba la siiyey; in kastoo ayan iscalfan.
Nimankii markay soo laabteen ayay Ingiriiskii war oo dhan siiyeen. Xoolahooda ayay ka warrameen, hubkooda ayay ka warrameen, fardahooda ayay ka warrameen. Caarshe iyo Giih kolkaas ayay Buuhoodle fariisteen oo dadkii Soomaaliyeed ee halkaa joogey shirweyne u qabteen. Waxay eno ieedsheen in weerar ayan ka soo waaasan Daraawiish lagu kiciyo. Huwan' oo idil dagsalkaas way u dhammayd. Ninkii hub aaadi karey gori iyo boqol xabbadood ayaa gacanta loo geshey. Baaqu wuxuu ahaa, «Ninkii geel rabow, duullaanka soo raac», Geela la sheegayaa waa geelii Daraawiishta iyo degmooyinkii ay dhex yiilleen, Waxaa colka madax looga dhigay nin Ia oran firey Xaaji Waraabe oo ka mid ahaa dadkii horey Daraawiishta colaaddu uga dhexaysey, Ingiriiskana ka talo qaadan jirey.
Colkaasu, Daraawiish oo aan digniin qabin, cudurnaku faafey oo ay wax yaal iyo wax dhintay tahay ayuu weerar qabax ku siiyey, dabadeedna waxaa laga soo helay geela la baxay Hagoogane. Geelaas intuu faro ka qabey soddon halaad ayaa colkii Xaaji Waraabe u qaybsadeen, colalkii Nugaal iyo Hawd ka soo duuleyna ninkood waliba labo iyo toban halaad :yuu la durduriyey! Dad cayr ahaan jirey ayaa ku hodmey. Maxaa Hagoogane loogu baxshey ? Waxaa Ia yiri, ninkii saami ka helay kibir buu la hagoogtey, kii ka qaday ciil buu la hagoogtay, kii laga dhacayna caloolxumo iyo uurguluc buu la hagoogtay !.
Dadkii berigii hore Daraawiish ahaan firey oo dayuuraddii dabadeed Nugaal ku haray dad badan oo ka midab ayaa duullaanka geelaas lagu helay ku j jirey oo qayb libaax ka qaatay. Iyadoo colkii la humayo ayaa niman dhawr thi Ismaacii] Mire ku yiraahdeen, «War hooy ina keen, geelaas xoolo kaagama sokeeyaane». Markaas buu yiri, «War anigu 20 gu’ baan weerar ku firey, duullaan dambena maaro uma hayo, Sayid Mayamedna waxaan u taro mooyaane waxyeeli maayo». Markii la soo Jaabtay oo uu arkay in nin waliba xero muggeed helay ayuu ciil la hagoogtey! Markaas buu u guntaday inuu qalqaaliyo duullaan cusub oo uu Galbeed gee! u doonto.
Tixo dhawr ah oo guubaaho iyo gabay colaadeed mitran ah ayuu mariyey :
Timir toomo joogtiyo Bariis toogo loo kariyo
Caanaha Taraar laga lisay ee toolin laga buuxshey
Intaan xoorka tiimbanahayee temshluhuu joogey
Niman taa intay toban dhaxeen soo tabcaday geele
Tabtaan haatan ahay naagahaa igala tiil roone
Tubta yayla mara reer tolkay ima tumiinayne !
«Intaan Toomy iska fadhiyey oon timirta, bariiska iyo caanaha iska hirqanaayey ayaa rag xoolo tabcaday. Toban habeen oo aura ayay maqnaayeen, kolkaas bay xero buux sadeen. War yaa ya duula, tolkay ii nixi maayo oo geela wax iga siin maayaane!» ayuu hadal ku dhammeeyey.