NABADI WAA DOOR

1920kii markii ay Daraawiishi jabtay ayaa sidaannu horay u soo sheegnay  Ismaaciil Mire xabbiska Berbera la dhigay. Kolkii uu soo baxay oo uu demgadoodii dhex yimid si fiican ayaa loo soo dhoweeyey, in kastoo aan la xoolayn sidii uu malaysanaayey. Reer Hagar qolada la yiraahdo ayaa si door ah wu marti geliyey, isagoo cayr ah oo aan tulud iyo waxar toona lagu cgeyn. Dadkii kale ee isaga la midka ahaa ee Daraawiish ka soo qaxayna si Wanaagsan ayay wax ula qabteen. 


Iyadoo uu Ismaaciil arrimahaas maskaxda ku haya, inuu ka abaalgudana damacsan ayaa 1923kii qardoofooyin ka dhex ahaceen Jaamac Calinuur oo ay gabyaaga ilma adeer ahaayeen iyo nin kale oo Googooye Jaamac Aadan la yiraahdo, dabadeedna waxay Jaamac talo kaga dhammaatay inuu aarsado ee uusan qandhow innaba qaadan ! Isagoo caraysan oo aardoon ayaa Ismaaciit arkay, markaas buu damcay inuu qaboo iyo oo u sheego meaalintii uu Daraawiish ka soo galay sidii ay reer Hagar tabantaabada ugu geysteen iyo sidii ay xoolaha maalka ah xaaska ugu siyeen. Waxa uu gabayga si faahfaahsan ugu tilmaamay silicii iyo saxariirtii soo gaarey kolkii ay Daraawiishi qaxidda ku jirtey ce ay dagaagga noqdeen. Jaamacna wuxuu ka beryey inuu taas darteed ugu dulqaato, colaaddana qaboojiyo, waxna uusan ka qaadan haba kibir xumaadeene ! Wuxuu yiri :


Dayuurado qablami maalintii lay dul marinaayey

Dibirka Dhooddiyaad maalintaan deli dhacay naayey

Duunkayga maantaan sidii deer la cararaayey

Anaan duunyo wadan maalintaan dalankacay naayey

Darmaan xoodan maantaan Badweyn duhurka soo taagey

Habraha duubmay iyo maalintuu dogonku ii baanay

Dadkii Cayn' fadhiyey maalintaan dooc ka garan waayey

Kun dirays gashani’ maalintay damacday dhiiggaye.

Dulmig iyo sameeyen maalintii laygu dabo joogey

Maantii ninkii door ahaa degelka laadlaadshey

Dilkii aan sahladay maalintuu dacarta ii qooshay

Anoo dulugle maantii Berbera Ia igu dayraanshey

Derbiga jeelka maantuu kufrigu dabarka ii giijey

Rabbi deeqi maantaan anoo dagan ku noolaaday

Ducaaliyo* Caddood! iyo kuwuu ii danqaday jiirka

Igardhada’ la dawdabi kuwii dumarka ii siiyey

Ee dadatta ii dhigahayee gogosha ii daadshey

Xeeryaha diyaafadan kuwii dabaqa ii saaray

Caanahe Dubbiyo! Laan kuwii igu darduuraayey

Kun wiil oo dagaaga ah kuwii deex ku soo koriyey

Dab inaan ku rido waa halaan diirka gelihayne

Dufule saalan baan ahay haddaan daaro reer Hagare ! ,

Haba isdoor bideen oo xarrago ha isdabooleene

Dibnaha hawga yeerina anaa dawladeey ! orane

Ka duggaala cadowga oo tolnimo daacad uga raadsha

Shisheeyuhu intuu digan lahaa dogon sideed yeela

Waxba yayna deynkeenna magan Debec inoo siine

Duqna ha qaadannina xoolo waa didib caleentiise

Dubaagana ka dhawr Jaamacow nabadi waa doore !,


Gabaygaas markii loo mariyey Jaamac, in kastuu caraysanaa, wax buu ku qaatay, qaandhowna ma qaadan, colaad dambena ma dhicin. Sida halakanba ka muuqata waxaa la oran karaa ninka gabyaaga ahi dadna waysku goyn karaa, dadna waa kala fariisin karaa, nin kulul waa qaboojin karaa, mid qabow oo aan colaadi ku jirinna wuu hiyi kicin karaa !