NAA HOY TALLAABADA DAKEE
Dhiimo Cawad waxay ahayd dumarkii uu Ismaaciil intii uu noolaa guursaday tii ugu dambaysey. In badan ayuu gabay waano iyo waxusheeg ah u mariyey, waxana ka mid ah kan soo socda ee uu arrimaha dhawrka ah ugu sheegayo. Shan waxyaalood buu ku boorriyey inay ku dedaasho :
1. Cabsi llaab iyo inay salaadda u dedaasho; waxa
dunida ka socdana fiiro dheer u yeelato.
2. Inay martida u dedaasho oo ay, Jiilaal kastoo
ay tahay, bilib iyo caano ku durduurto.
3. Inay dhaqaalayso xoolaha ay haysato, aqalkee-
dana hayaajisato oo ay gaarinnimo muujiso.
4. Inay iska jirto kuwa baadiyaysan ee haweenka
ayan qabin u hunguriyooda, aalaabana habeenkii
socda.
5. Tyo inay xarrago ogaato oo ay habka socodkeeda
indho dheer u yeclato.
Wuxuu gabrygii ku yiri:
Naagyahay waxaad damacday iyo dunida xaalkeedu
Waa labo duddo oo kala fogaan doy isu lahayne
Dulligaad la joogtiyo sidii dahab u laacaaga
Dogonniimo hadalkaaga iyo duq iskayeelkayga
Waa dabo tangool iyo garkoo durufba meel yaalle
Naa hoy dandaan lama rujo ¢ magal dabuubtayda
Naa hoy digniin baa ka timid dabaqi naareede
Naa hoy salaadda u dedaal dunidana uw fiirso
Naa hoy martidu. yay dibjirin timid duleedkeenna
Naa hoy markay duraha tahay dabax wankaad haysc
Ha yeeshee durduur uga dhigoo doobina u raaci
Naa hoy dugaad rarato yuu dabar la’aan foofin
Naa hoy dusmaan baa jiree dadabta cawsayso
Naa hoy dan haw gelin hadday durufi kuu baano
Naa hoy iblays miduu dirsaday gogosha hawdaadin
Naa hoy dufule waalan oo daaddufaa guda e
Hayeeshe dib haysaga noqdee il iyo dan xaabi
Middii daba saylaamisa oo socod dameeraad leh
Oo lugaha darandoorridaa waa darxuma weyne
Naa boy tallaabada dakee yaan lagaa didine.