Kolkii ay Daraawiishi baabba’day mar wax yar ka dambaysa; 1921kii ayaa waxaa wada sodcaalay Ismaaciil Mire iyo nin kale oo la oran jirey Xaaji Maxamed Cawl oo ay saaxiib ahaayeen. Siday caadada reer miyigu tahay haddii uu habeen dumo, asii codcaal lagu jiro waxa lagu hoydaa hadba ciddii markaas kuugu sokaysa. Ismaaciil iyo saaxtibkiis goor fiid ah aya reer u yimaadeen. Intii aan la soorin baa waxaa u timid islaantii reerka u weyneyd. Ismaaciil oo madaxdii Daraawiishta ka mid ahaa ayay waxay ku eedaysay inuu isagu mas’uul ka yahay wixii chibaato ahaa oo reerkeeda ka soo gaarey dagaalladii Daraawiishta. Waxa gabayga soo socda ee Ismaaciil ka muugata inay islaantaasi dagaalladaas dhibaatooyin badani ka soo gaareen, xoolahoodii lagu dhacay, gaadiidkeedii la weydaarshey, carruurteediina qaar lagu laayey.
Ismaaciil Mire, in kastoo uusan dacwaddeedaas ku inkirin, haddana ma garaysan inuu isagu u qoolan yahay labaatankii gu’ ee dagaalladu socdeen wixii dadka Soomaaliyeed kala soo gudboonaadey oo hargaamooyin ah. Waagu markuu beryey ayuu Xaajigii la socdey u mariyey
gabayga soo socda oo la oran karo wuxuu in badan inooga sheegayaa taariikhd:i Daraawiishta iyo goobihii kulkululaa ee laysaga hor yimid. Wuxuu yiri :
Gelin dhexe xalaan Maxamedow geyrtay oo kacaye
Gam’ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye
Adigey gabley tiri markaad gaaska wadateene
Waxay tiri adaa igu gondoley garangartaan iile
Waxay tiri aday guri-dhigoo ma lihi gaadiide
Waxay tiri adaa gelengel tubay garayartaydiiye'
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye
Waxay tiri gurboodkii’ adaa geesuhuu dhigaye’
Guhaaddeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado
Gumburw' iyo Cagaarweyne’ iyo geedki Daratoole’
Goobtit Jidbaale’ iyo Xargaga’ guuldarradi joogtey
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay
Gabooddeeda Beerdhiga” wixii la isku gooraamay
Maydkii gabradey seerigey Good" ku tumanaysey
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo
Ogaadeenka gaanka ah wixii Geydho laga qaaday
lidoor ‘cayuun godan wixii gelin la weydaarshey
Shirshooraha’ gudbani cayr wuxuu gorof la meertaystay
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshey
Gob ninkii ahaan jirey wuxuu gibil madoobaadey
Giddigiis naflaa’iga wixii gobolba meel aadey
Dayuuradaha gawliyo wixii samada guuxaayey
Daarihii gelgelintaas noadiyo gebiyadii ciiray
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda
Gembigiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogey
Gaaliyo Daraawiish wixiit uunka kala gaarey
Keligey ma wada geysannine la isku geeryooye !
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye!
Waxba hay gurraynine dembaad galabsanaysaaye!
Gartaa maaha naagyahay inaad ii gilgilataaye !
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye.!
Gambana kaama furan baan u fili gulufyadaydiiye !
Naa gefkiyo beenta daa yaadan gelin godadkii naareede !