Ayaanba wax baa oo baxa oo dadku ku daataa: Waxaa beri soo baxday maro lagu magaacaabi jirey.«Maamiyad» oo ahayd garbasaar jilicsan. Waxay dadku guud ahaan, siiba haweenku jecel yihiin wixii cusub oo witqaya, waxaana uu gof waliba ku dedaalaa siduu waxaas cusub qayb uga heli lahaa. Dhiimo Cawad oo aannu soo sheegnay inay Ismaaciil u dhexday ayaa jeclaatay oo doontay in saygeedu u gado maro maamiyad ah. Waxaa sida muugata maradaas sii jeclaysiiyey iyadoo aragtay dumarkii reer magaalka ahaa oo ku wada daatay, kuna mushaaxaya. Ismaaciil hadduu arkay in afadiisu marada u bugto ayuu tixdan yar ee kaftanka leh u mariyey, wuxuuna yiri :
Maamiyid cas Dhiimoy haddaad maanka uga jeeshey
Ma marniye? waxaan haysto waan maarsanaha yaaye
Waxaan maalin kula dhaafahayn maal ma siin kar? e
Sogsogtaanay maaro u heleyn magqal xerayskiiye
Magdarada markaad soo martay kala murxaysaaye
Naagaha magaalada ee qabaa waa malaanmaliye
Waxay uga muraad dayan inay lacag ku meershaane
Milikhmiiikhda maxaa kaaga dana reer miyaad tahaye
Sida gabayga ka muuqanaysa Ismaaciil way la nogon weydey inay gar tahay inuu afadiisa marada caynkaasah u gado, waxa ay ula noqon weydena ma qarine diirka ayuu ka qaaday. «Dhiimoy, horta wax waan haystaa oo ma lacag li’i, hase ahaatee adigu reer miyi baad tahay, maraduna waa nugushahay oo waxaysan adkaysi u lahayn hawshaada faraha budan oo dharka caynkaas ah u daran». Wuxuu ku daray, «Ha ku dayan naagaha reer magalka ah ee qaba, maxaa yeelay, sida ay la ahayd, kuwaasi waxay doonayaan inay rag ku soo jiitaan». War wuxuu ugu dhammeeyey, «Adigu reer miyi baad tahaye, dhaldhalaalka dhalan teedka ah ha xaalayne. dantaada aqood».