MAXAMED DEYL

Bal intaannaan gabayadii ismaaciil soo bandhigin aan aragno gabay uu mariyey nin la yiraahdo Maxameg- Deyloo uu giddi Caligeriga ku guubaabinaayey, isagoo iska

Shigayey nin soo arkay Jaamac Calinuur. Wuu leeyahay «Caligerow waxaan soo maray xawaalkii Jaamac, Markaasuy inta soo baxay ila hadlay oo farriin i soo faraye bal maqia». Wuxuu gabaygii ku yiri : 


Inay maytiyuhu gayliyaan ma anan moddeyne

Malkadii la dhigay Jaamac baan maray sodcaalkiiye

Anigoo maglahayuu i yiri Maxamedow jooge !

Goortaan miliilicay salaan midigta ii Saarye !

Malmaleeyey oo waxaan gartaa midab wanaaggiiye !

Maalkaan dhagaayiyo dadkii maaragtuu yiriye

Waxaan iri macnaha ay yihiin waanan Marinayne

Wuxuu yiri miciin kama sugayn miraha Guuleede

Cabdinaasir' haysaga mangaxo maanso iyo jiibe

Sidii nimaan adeerkii la mudin haw makaabiro e

Ha maddaysto ceelkuu fadhiyey maalkjj reer

Debey eHime Ciise aqal moolo weyn hays maldhagiyeene

Mogdalada Wirwira rodol qaxwuu ha iska miisteene

Maandhiinka baas iyo gacmaha haisla maadsheene

Naftama haw marwoodeen sidaan meleg haleelayne .

Miyaan khayr - mataan iyo Shawana murugo ‘ii haynin

Mesikii Warfaa iyo miyuu Gorodku mawtoodey

Ismaaciil ma moog yahay inaan muranna laygeysan

Caligerigi kale sow ma maqal mag iyo aar waagu!