MAXAAD ULA HABLEYSAAN

Dagaalkii jidbaale markuu dhacay 1904 ee Daraawiishtii oo Sayid Maxamed xiriirkii u gooyeen, ka dib markii rag door ah oo kun nin gaarayey ay jahaadkaas uga qur baxeen. Reer Hagar oo iyagu ciidankii Ingiriiska la socdey, kana mid ahaa tolalkii sida xun Daraawiish wax uga naafeeyey ayay la degeen.


Ismaaciil isagoo caligeriga ku guubaabinaya inay Xarunta soo beegsadaan isla markaasna xusuusinaya nimanka ay la degeen aanada iyo godobta ay ka qabaan ayuu tixdan mariyey.


Caligerigu hawdkuu fadhiyey haawey beledkiiye

Maxaa Hiiradow" kuugu dhagan haraca Buuhoodle?!

idinka iyo reer Hagar Maxaa heel isugu keenay

Heellada markay tuman maxaa ula hableysaan dheh ?


lagu jebiyey ayaa Caligeri qaarkood waxay degeen Buuhoodle 


Nimankii raggiinnii hantiyey ee hanadyadii laayey

Haawey nimankii ka dhigay hodan qabiilkiinna

Sidii niman halaag qabin maxaa ula hoyaaddaan dheh ?


Mar kale wuxuu isla arrintaas lafteedii ka yiri ;


Nimanyahow awaar gabay beryaha ooduhuu rogaye

Xalaan alaladoo kacay saqdii umal daraaddiise

Aan asteeyo caawana halkaan alifka qaadsiiyey

Aqbal xuajadi weydaa waa aamus taladeede

Jinni wuxuu addoonsaday ma jiro nimaan ku eedaaye

Kuwii cabbayaashiin dilee idin agoomeeyey

Ee naagihiinnii igdhaad uun ka baridaane.


Labada gabayba sida muuqata way kala dhimman yihiin, hase ahaatee waxay labaduba inoo sheegayaan hab ka mid hababkii ay Daraawiishi dadka ka taga ku soo xero gelin jirtey.