MARKAB

Waagii ay Tal:aniga, Ingiriiska iyo Amxaaradu dhulka Souymaalida gaybsaceen oo soohdimaha beenbeenta ah ee dheerdheer ay kala calaamaysteen ayaa dadkii Soomaalida ce reer   guuraaga ahaa la kala raray oo qoloba la yiri, «Dawlad hebla ayaad raacsan tihiine, meel hebla dega». Reer miyigeennuna, sida la og yahay, meel go’an ma degaan, xuduudna ma yaqaannaan, hadbase meeshii roobIch ama naqu ku cambeeyo ayay xoolahooda la aadaan. Dadkii Ismaaciil Mire la degmada ahaa wuu guuray. iyagoo horay Ciid u degi jireyna waxaa kolkaas degmo looga dhigay meel dhagax leh iyo Nugaal sare. Dabadeed, wuxuu arkay geeliisii oo buurihii iyo dhagaxii fuuli kari waayey, gaar ahaan hal uu ‘eclaa oo Markab Ia oran jirey. Ismaaciil markaas ayuu muraaro dillaacay, waxaana u caddaatay tabaalaha iyo tabcooyinka uu gumeysigu Soomaalida kuhayo ama la.damacsan yahay. Isagoo si daran 1 tiiraanyaysan ayuu hashii ku halq«bsaday  o o gabaygan soo socda mariyey. Wuxuu yiri:


Markabey dalkii waxaa tannaan inaadan dooneynr

Dugsi kululo' Doombiraley’ tyo degelkii Reenweyne

Darroorimada lIaantii lahayd laysu dacareeye

Docmiyo toomihii duri ahaa laga dugaagowye

Doox’ iyo Xirweynaba’ kufraa degcy mareerkiiye

Duuriyo bangalo miiran bay innagu deyreene

Markaa: diriri jirey waadigii damalka weynaaye

Daliigahanna kurus baa ahaa duudkan feensamaye

Dararna waad lahayd aad murkaha daafta marisaaye

Dulle  carcaraa' waxaan kuugu furay dan iyo caalwaaye !

Muslink1 daacad dhiibtaa ku baday maanta dulugicyse !

Diqda caayib awrtana la daaq deeq Allaad Sugiye 


In kastoo aysan waqtigaas Daraawiishi dhaqnayn, haddana wuxuu gataygani ka mid yahay gabayada Ismaaciil ee sida fiican u tilmaamaya Darwiishnimadiisii iyo sida uu dagaalkoodii hore u rumaysnaa. Wuxuu isbarbar dhigay ‘sida ay Markab ahayd markii uu diriri jirey ec uu Darwiishka ahaa iyo kolkaas oo ay gaaladii dhulka gees walba ka qabsatay. Waxaad mooddaa inuu xusuusanayo beryihii ay Daraawiishi gccl dhammaantiis iy > daaqaba u talin jirtey ee kooda ma ahce seyiga badankiis day kale ka bidhaami jirin. Waxa Marbab haysta iyo geela oo idilba wuxuu eeddooda saaray dadkii Soomaaliyeed ee ay Ismaaciil la ahaatay inay gaalada isu dhiibecn oo dan qaateen! Waa guubaabo cad oo aan islecyahay durbadiiba dadkeennu dheg buu u dhigay, dhaqdhaqaaqii gobannimo  raadiskuna baaqaas wax badan

kama dib dhicin.