Maansadan waxa tiriyey Hal-Abuur Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish ).
Maansadan ayaa uu Hal-Abuurku ku hogo tusayaa, ku waaninayaa, wax ku farayaa, waxna ugs digayaa Hablaha Soomaaliyeed ee qarnigan dambe nool .
Waxa uu Hal-Abuurku odhanayaa;
Dhaqankeena guunka ah
Wuxuu gaar u leeyahay
Sharaf aan la gaadhayn
Oo aan la goyn karin
Gabigeed aduunyada
Basharkaa Ku guud nool
Allaa kala gar siiyoo
Midba gees usoocee
Gabadhyahay ogsoonow
Aduunyadan guclaysee
Sii galalaf roortee
Gabogabada joogtaa
Waxay isu kala guraysaa
Waa gabaabsiyee garo
Gun u hadalka sheekada
Waxaan kuu gudbinayaa
Geeri wey dambaysaaye
Gabadhyahay xishooyoo
Ha is gayn tiktokiyoo
Dhamaan suuqa gaalada
Gobaad tahay dhamaysee
Hays gumayn walaalooy
Gurigiina joogoo
Gaariyeey xijaaboo
Haddaan gees kale dayana
Gayaankaa aktaadiyo
Goonyaheena joogaa
Wuxuu guur u quudhaa
Gabadhii jidhkeediyo
Sharafteeda gunudee
Inanyahay guhaadiyo
Iska daa garaafyada
Gobaadeey xishoo
Hadaad gaalka duufkale
Wixii uu guyaal badan
Guno maal ku bixin jiray
Maskaxdiyo garaadkana
Intuu soo gunaanaday
Tuujiyee Kasoo guray
Kudka ina gaasiray
Sii gaadho adiguna
Gar allee miyaaney
Geesigii ku dhalay iyo
Gabankaa walaalkaa
Hooyadaa gudooney
Milgahooda gooniya
God madow ku raaridin ?
Hal-Abuur Ayaanle Maxamed Ismaaciil ( Ayaanle Darwiish )