Geela iyo fardaha Soomaalidii hore aad bay u dhaqaalayn firtey, maxaa yeelay kaalin weyn oo lagama maarmaan ah ayay noloshooda labadaasiba kaga jireen. Haddii neef fardo ah si door ah dhagqaalihiisa looga fakaro oo xil gaar ah layska saaro, asii uu maalinta bedertan jiro ama dagaal socdo wixii laga malaysanayey uu ka baaqsado waxaa hubaal ah ninkii lahaa intu ciishoonayo oo uu geeridiisa jeclaanayo.
Sidaas oo kale, sidka hasha geela ah waxaa Ia dhawraa saddex iyo toban bilood. iyadoo marka ay dhasho laga fisho caano ninka leh iyo xaaskiisa deeqa. oo ay ku baraaraan. Caano lagu haahi baxo oo iyaga deeqa daaye, haddii ay niriggee ii yaraa wax u hidin weydo, maxaa ninkii lahaa uga eg
Ninka reer tuyiga ahi marka uu naag guursado waxaa ww ka fishaa inay noqoto mid hawlkar ah, firfircoon oo gaari ah, lana qaybsata hawlaha adag ee miyiga Jaga qabto. Haddii, kolka, malihiisii beenoobo oo ay basari aam aqoon lahayn nogoto, wixii loo sheegana aan qaadan, maxaa uga eg ?
Sidoo kale, waysaga ninka reer miyiga ahi jecel intii gabar u dhalan lahayd inuu wiil u dhasho, si uu uga nasiyo dhaqaalaha xoolaha, shubaasha ceelka, sahanka, dhaanka iyo wixii kale oo haw ahaa ee uu keligiis qaban jirey markuu barbaarka ahaa. Haddii, kolkaas, uu wiilkii sida gabdhaha u nuglaado ee aanu mid adadag oo aan odayga wixii haystey oo hawl ahaa ka nasin, maxaa aabbaha uga eg ? Sow ciishoon maayo ?
Gabaygan soo socda ayuu Ismaaciil afartaas qodob kaga hadlay. isagoo qodob kasta gaar ahaan u qaadanaya, go'aankana wixii ay la tahay ku sheegaya. Wuxuu yiri :
Barbaar waxaad ahaataba mar baad Beyddan kulantaane
Dhashu waa bishaaree haddaad Eebbahay barido
Oo uu bogolle wiil kuu dhashood beerka kaga rays
Waxaad biilka siisaba hadduu turuqyo buurraado
Bogaa luga wareenyow hadduu bili haween yeesho
Hadduu baagdo goortii uu kaco boohin kugu reebye
Buuryaqabka inaad dayrisaad kaga bogsootaaye
Baddu hadday ayaan kaa liqdana kaama ba’o ciilku
Gabar hilicle oo baaxad weyn beri haddaadmaagto
Billad iyo xariir iyo haddii boqar ka laadlaado
Bidhaankaaga oo idil haddaad biicsasho u dhiibto
Agal buur go’eed le’eg hadday beejimo u raacdo
Oy buuni kuu meheriyood barato xaalkeeda
Bawdadi ka haaddadu hadday baali kaa nogoto
Aad weliba baanbaniso® oy biidna garan weydo
Inaad naago kale baabsataad kaga bogsootaaye
Budda nadday gasho oy urtana kaama ba’o ciilku
Baramboorri® qaalina haddii baarqab lagu qoogshb
Markay butn baxday goojisaa waana loo bogiye
Saddex iyo haddii toban bilood gaajo lagu raaco
Biyaha guga hadday awr dhashoo biligluhuu goyse
Oo gabanku kugu soo baxsado waa bukaan sida e
Barooddada inaad raratid baad kaga bogsootaaye
Haddaad buulka xaaska u dhigtana kaama ba’ociilka
Haddii aad bariidlow wan weyn neef ka bari siiso
Boorka iyo siigada haddaad burush ku duugduugto
Oo uu burwuugada cunoo baaxo nadalkiisu
Bawhaarka magaaleed golaha badiba loo joogo
Hadduu bederka kugu gaabiyoo kugu beayuurcedo
Inaad bogonta dhiidhiibisaad kaga bogsootaaye
Hadas bahalka geed ugu xidhana kaama ba’o ciilka