KAADSADA
Maxamd Faarax nin la yiraahdo , Jaawalina lagu naynaaso, baddanna nool, Ismaaciilna ilma adeer yihiin ayaa beri damcay inuu safro oo Burco geeyo hargo iyo badeeco kale, dabadeedna ku soo beddesho lacag iyo qalab magaalo. Ismaaciil oo isagu chaa reer miyi aan car isku rogin ayaa Jaawali u yeeray, si uu sodcaalkaas uga baajiyo. Gabaygu ha la maro ama kas ha u yeelo e wuxuu maagay Salaan Carrabey oo gabyaa ahaa, reer magaalna ahaa.
Haddii safar magaalo iyo ganacsi khayr leeyahay Salaan baan caato iyo weyd la dalanbaabiyecn ayuu Ismaaciil gabayga ku soo gebagabeeyey. Wuxuu yiri
Magaalada raggow kacahayow kol ila soo joogso
Kallahaad haddaad damacsan tahay Maxamedow kaalay
Kalmaddeyda lama quursadee magal kalaankayga
Kaddib iyo in been lagu hadlaa waa karaahiyo e
Kaftan loma yari xaajadii kaamil loo yahaye
Waa kararrah hadalkii xunoo lagu kireystaaye
Kuwwa nisigga keenada geshaye dabo kushlaynaaya
Oo rubiga ay kalawsadeen kiishadda u qaatay
Kulayl kugama harin ceebna waa kay u go’ayaane
Karuurka iyo caanaha dhanoo deyso kabashkaaga
Korjadahana agalkaaga dhigo koran ma doonaane
Hadduu kabare khayr leeyihiyo kadab la soo iibsno
Ama lagu kashbacayoo qaxwuhu barida kiilaayo
Ama sor aad keligaa cuntaa kamanka buureyso
Kaadsad2 Salaan baan futadu kaxankaxawdeene
Salaan in kastuusan Ismaaciil si toos ah ugu jawaabin. haddana tixdiisaas wex buu ka soo qaaday, isagoo Calidhuux oo ay isu gabyi jireen xoogga saaraya. Geeraar buu wuxuu ku yiri
Funfunnaagan i cdayiyo
Ismaaciil futo sheeg iyo
Ma facaysto Cabbaase
La fac yaanan ahaynoo
Faydaan iiga kordhayn
Fulihii Calidhuuxe
Kolba ruux faginaayaa
Fakarkaygu jiraa
Gobta ITaarax Garaad iyo
Fadligii habartay iyo
Furaashkii Cawo Dhooblaan
Kaaga col gabcayaaye
Labadeennan fakhiidaan
Kala faarug lahayn oo
Haddaa bay fadhidaaye
Sida fooraha roob oo
Farrax meel leh ku hooraan
Kuu fuugfuugsan lahaa
In kastaad iga fiigtood
Falaay duula sidiisa
Cirka foodda sareeto
Fatac booddo tiraahdo
Iga foort ma doontid