JAHAADKII WADDADA DHEER MARAY


Aadan-dhacdhaco oo ah darwiishkii dulucda tixdaan ii sheegay wuxuu iigu warramay: Dhallinyaro soddon ah oo daraawiish ah ayaa duullaan aan loo fasixin ugu baxay degmooyinkii Burco agaheeda degganaa oo Ingiriiska meel kala sii  jeeday. Bancawi meesha la yiraahdo oo Beer u dhow ayay ka soo qaadeen geel 400 bogol ah, dabadeedna waxay keeneen Qijiya oo ay Daraawiishi daar ku lahayd. Sayidkii markuu maqlay duullaankaas shanta habeen maqnaa, ogaal la’aantana ku baxay wuxuu ciqaab uga dhigay inaan geelaas midkoodna wax laga siin 00 «xoolo daareed» laga wada dhigo.


Ismaaciil Mire oo ka mid ahaa ciidankij ay nimankaasi ka tageen aad buu maqnaanshahooda uga murugooday, isagoo ka cabsi qabey inay «gaalo» hesho oo ay dib dambe u soo nogon waayaan. Markaas buu tixdaan rabbi-bariga ah goor caweysin ah mariyey:


Nin welwelahayaad Maxamedow weer u dirataane

Waayadotan maansaduna waa iga wayiignayde

waddigii habeenkii ma ledo welef sidiisiiye

Jahaadkii waddada dheer maraan weli u jeedaaye

Wejigoodu gubeygii haddii weerar lagu baaro

Weyraxa la soo tubo hadday weydo’ ololeyso

Waysaaya dirireed hiddii sumucu’ wiifleeyo

Waaxidow allahayow adaa lagu wakiishaaye

Eebbow walaalahay quwee wahantay laabtiiye

Warsame iyo xuseen iyo Saciid Walaftankii Yuusuf’

Wabarkii Obsiiyiyo Cashuur warammadii Ciise

Wanaaggii Huruuse iyo Dhaal wereftankii Xaashi

Caliyaan u waalanahayaa weheshigoodiiye

Waxtarkii Ducaaliyo Hayaan waanadii Maxamed

Iyo weyraxii Nuur Warsame wadanihii Aadan

Iyo wiilashaan garanhayiyo wadar dhammaan toodba

Wadnahay qarqari jeerahoy wada yimaadaane !

Eebbow waxyeellana ka dhawr hana iswaasiinnin

Waxba ima taraan caanahaan wabaxsanaayaaye

Dhallintis aan soo waaban jirin waw welwelayaaye

War bishaaro Eebbow ka keen waaga berigiisa


Markaad gabayga ku nognogoto waxaad garanaysaa

daacadnimada darwiishnimadu ku dheehan tahay ee uu Ismaaciil ku tilmaannaa. Habka uu ragga magan u kala tiimaamayo waxay ku tusinaysaa sida uu u kala yiqiin oo uu aqoonta dheer ugu lahaa ninba waxa uu ku fiican yahay ama wu saaxiibbadiisa kale kaga soocnaa. Hase ahaatee waxa uu inoo sheegay tilmaan ey wada lahaayeen ama ay ka wada sinnaayeen; waa geesinnimo oo waysagii lahaa :


Dhallintii aan soo weaban jirin waw welwelayaaye

War bishaaro Eebbow ka keen waaga berigiisa.