ISMAACIIL MIRE-
Gabayada Ismaaciil waxaan ka helaa waxaanan kuwa kale gabayadooda ka helin. Waxaan ka helaa murti qoto dheer, asii meel dhow oo qof kastaaba dhuuxi karo lage soo qabtay. Waxaan ka helaa kaftan iyo maaweelo kolkii aan akhriyo aan u bogeyso, ama ugu yaraan, aan ku farxo. Waxaan ka helaa waano iyo wax usheeg odaynimo oo ruux waliba wax ku qaadan karo.
Waxaan ka helaa dhaqan iyo falsafad Soomaatiyeed hadii ay dhab tahay oo ay jirto falsafad aynu gaar u leenahay, sida kuwa kale, isla weyn oo murtida afkiisa lagu tiray masuug ku ah,
Gabaygiisu arar dheer oo faan ah oo ulajeeddada i illowsiisa maleh, “Halag iyo mas baan akay” kuma uu bilaabo sida Salaan iyo Sayidka, Tixdiisa uma ararto, hadduu yeelana waa labo ama saddex tuduc. Toos buu u bilaabaa, wuuna ku sugaa !.