ISMAACIIL KUMUU AHAA

Waa laga dheregsan yahay taariikhdii geesigii weynaa,aabbihii dhaqdhaqaaqa cusub ee gobanimo doonka SoomaaLiyeed, ammaanduul‘hii Daraawiishta; Sayid Maxamed Cabdile Xasan. In kestoo taariikhdiisa aan weli si buuxda loo astaynin, murtidiisiina aan tan iyo haddeer si wanaagsan loo kala qalin, haddena Soomaali iyo shisheeyaba isku daye inay wax ka qoraan; run waxaasi ha ahaadeen ama ha ka been sheegeenc. Hase ahaatee waa dhif qoraa si doontaba ha ahaadee u gudagalay raggii iyagu taariikhdaas curinteeda ku wacnaa, welina sida ay mudan yihiin loogama sheekayn; wahsiyi ha ku wacnaalo ama aqoon la’aani ha ku wacnaatee.


Waxa jiray rag aan laaaniood dagaalkii dhawr iyo labaatanka gu’ socdey ee Daraawiish iyo gumeysi ka dhex aloosnaa uusan socdeen. Waxay ahaayeen raggil dhirifsanaa, raggu duubka cad xiran jirey, gacanlana tusbuxu Ugu jm yiccy, Taggu nar iyo noyaatm Ka tegcy OO xaasaskoodiba haimaamay. Waxay afaayeen guutooyinkii aan marnaba agoonsan ama dhegba u dhigin kujayka, tooraha’ ha- beenkii soo dhaca, Laahida iyo daalka toona. Ciidammadii waxay ahaayeen tacdaha fankooda ku gallali jircy, iyagoo gan cidi ku dirgiyin, cidina qori iyo hub kale midaaba dabo taagneyn- Raggii waxay ahaayeen waa berya iyo fiid ku tallami jirey: ‘Sidee baydun dalkiinna gaalada iyo gu- meysiga uga saari kartaan, iyagoon cidna tixgelin iyo abaal- gud ka dhawraynin. Tilmaamhaas aan soo sheegnay raggii lahaa waa kuwii Daraawiish la oran jirey, waxaannu dhaainay mrooyaane waxbana kuma aannu darin.


Rag badan oo tirsi Jeh ayaa ciidammadii Daraawiisheed si gooni ah uga soo mutay oo magacoodu in.uu dhceraaday meel sare gaarey; geesinnimo ha ku gaaro, gabay iyo afta-hannimo ha ku gaaro ama guddoon wanaagsanaan ha ku gaaro e. Waxaa raggaas ka mid ahaa Ismaaciil Mire Cilmi oo aad iyo aad magaciisu u dheeraaday; hadday Daraawiish dhexdeeda tahay iyo hadday dibaddeeda tahayba. Magac- dheezidu ma ana wax goi waliba ha karo. Waa tilmaan jiiro dheerdheer loo koro oo aan si fudud loo taabi karin. Ismaaciil caanbixiddaas waxaa u keenay siddex tilmaamood oo aan horay ku soo sheegnay, isuguna darmaday. Geesin- nimo ayuu ku sheegganaa, gabay qoddo dheer Jeh waa lagu yigiin, talo fiicanna waa ku caan baxay. Taariikhda Da- raawiisheed, in yarba ha ahaatee gofkii wax ka yaqaani, ‘Ismaaciil Mire wuu garanayaa, kamana dahsoona kaalintii weyneyd ee uu kaga jirey dagaalkii dheeraa ee Daraawiish iyo Ingiriis iyo gaashaanbuurtiisii ka dhex dhacay intii u dhaxeysey 1899 - 1920kii.


Wuxuu Ismaaciil ku dhashay Laasadaar (1) sannadkii 1862kii. Yaraantiisii hore taariikh faabfashsan lagema hayo, hase ahaatee waxa hubaal ah inaan noloshiisii hore sina uga duwanayn tii ay markaas reer miyigeennu ku noo- laayeen. Sida reer Nugaaleedka kale ayaa reerkooduna xoo- iaha dhagan jirey, isaguna dhaqaalaha xoolaha ayuu sidaas daraaddeed ku: barbaaray.


Ismaaciil isagoo labaatan wax yari u dheer yihiin ayuu Daraawiish ku biiray. Degmadooda dhexdeeda ayay ahayd meeshii uu Sayid Moxamed ka qalqaaliyey dhaqdhaqaaqiisii taabbagalka nogday, waxaana Jagu male weyn yahay inuu ka mid ahaa raggii markiiba dhawaagqa Sayidka u dheg taagey. Ururkii ugu horreeyey ee magaca Daraawiish la baxay raggii unkay ayuu ku jirey-


Maalintaas laga bilaabo ilaa 1920kii markii Daraa- wiish udubbada Ioo siibay kaalin weyn ayuu Ismaaciil kaga jirey; wuxuuna ahaa nin Sayidka uga soocmay kumanyaalkii Daraawiishta ahaa ce uu hoggaanka u hayey.


Wuxuu ahaa nin darwiishnimo run ab ku sheeggan oo farriimaha Sayidka hadba sida ay yihiin u fuliya, taasna waxa dhawr jeer oo kala duwan ku ammaanay Sayidka laftiisa iyo daraawiishta kale. Darwiishnimadu waxay ber- yahaas ahayd tilmaan weyn oo lagu faano, ninkii lagu shee- gaana wuxuu isu qaadan jirey nin aan wax ammaan ah lagala harin. Darwiishnimo waxay la mase ahayd tilmaanta tawrinnimda ah ee aynu maanta dadkeenna ku ammaanno, waxayna ahayd gabbasho la’aan aan laga gabban wax alla wixii danta dalku ku jirto ku dhaqaaqiddooda. Darwiishnima- du waxay ahayd gumeysi nacayb iyo deddanaan wixii gumeysi sheegta ama gacan iyo garabba siiya lagu deddanaado; in- taasbana Ismaaciil waa lagu yiqiin; raggii ay hawsha wada hayeenna way wu qirsanaayeen.

Wuxuu ahaa — Allaha naxariis siiyee—nin ka mid ah ragga Sayidku sida weyn kalsoonida ugu qabey ee aan weligiis iyo waagiis marnaba dareen ka gelin. Nin wuxuu ahaa durbadiiba wixii haw! ah oo ku soo aada ku dhaqaaqa, mana ahayn dadka jaadka marmarsiinyaha badan ec waajibaadkooda ka warwareega. Taas iyada ah waxaa marag cad u nogon kara tuducyadan afarta ah ee uu mariyey kolkii uu Sayidku sannadkii 1918kii faray inuu webi Shabeelie iyo Xarunta Laanteeda Beledweyne kormeer u aado, isago markaas ka hor aan marna Nugaal, Bari iyo Mudug dhanna u dhaafin. Intaan Sayidkii amar cadi ka soo bixin ayuu habeenka loo sheegi doono maalinnimadiisii xan ku maglay inuu kol dhow waddada dheer ee Taleex iyo Beledweyne u dhexaysa cagta saari doono !. Kolkaasuu isagoo raalli ah, asii jidka iyo dhulka uusan weligiis arag ka welwelsan ku maansooday :

  • Eebbow akhbaar haa ka timid aabbahay xalaye

  • Eebbow darmaan xoogle baan aad u naaxsadaye

  • Eebbow abiidkay ma arag oodda reer webiye 

  • Eebbow ammaankaa ka yeel socoy ikhwaankiiye.

Waa dhif iyo fara-ku-doon dagaalladii Daraawiisheed Mid uu Ismaaciil seegay, haddii uu mid seegayna mid uun buu ku maqnaa, Si weyn ayuu u aamminsanaa dhaqdha- qaaqa Sayidku hoggaanka u hayey, taasna waxay geyeysiisay inuu jahaadka niyad weyn u hayo oo uu ku bururo lada gaallanka iyo ilaalaynta cadowga dhan kastaba ha laga filee.


Sida saaxiibbadiisa kale, umuu aabo yeeli jirin dhibaha badan ee ka soo gaari jirey guurihii, gulufkii — goor iyo ayaanba taagnaa iyo faraska ku joogiddiisii. Waxay Daraawiish tobaneeyo gaarayaa noo sheegeen inuu ahaa nin lagu tilmaami karo inuu Daraawiishta wardoonka ugu qay-bsanaa. Gurigiisa intuu u soo hoydey way tirsanayd, had iyo jeerna wareegga iyo u feefignaanta dhagdhaqaaaa ca- dowga ayuu u jeebbanaa. Isaga iyo afar nin oo kale oo uu mgdax u ahaa ayaa xilliyo badan ku abaadey soo-ogaan- shahé halka ciidan [Ingiriis ahi hadba ka soo dhowaado. Waxay ahaayeen isaga, Axmed Xasan «Aarey», Caligaas Gaaruf, Cabdixayd tyo Axmedqawle. Waxa dhici jirtey inayan bilo dhan mito ma ahee oon xcolaad afka saari firin. wax kafena ma ahayn ee amarka Sayyidka ayaa ahaa inay cidaha ka fozaadaan oo aan Jaga digniin helin. Ismaaciil isagoo hawshaas ay hayaan tifmaamaya, Ingfrfisna a dhaaranaya ayuu tixdan yar ku yiri;

  • Allaylkiyo aroortii waxaan daray urquuntaaba 

  • Waxaan Oodaygooyiyo Orgiya Urur taxaabaaba

  • Ingiriiska Eebbahay ka go’ay waxaan ilaashaaba

  • Maruun baannu oofaha ka goyn aniyo Aarey e!

Mar kale waysagii lahaa: 

  • Nimanyahow Ilaalaan ahay iyo eegi dibadeede

  • Nimanyahow adduunyo uma galo sida ugaareede

  • Nimanyahow darmaan orod leh baan uudka’ daaqsadaye

  • Nimanythow Ammaans, iyo Jibriif’ waayey araggoode

  • Waxaan ilaha Yaaheel, u tegey inaan u aaraaye

  • Ma inkiro e weligey khidmada waw aroobnahaye

  • Ma illoobin Eebbow raggii eygu gawracaye!

Tuducyadaan yaryar - sida gabayadiisa kaleba yihiin waa kuwo muujinaya sida uu Tsmaaciil dhaqdhaqaaqooda ugu kal samaa ama aaminka ugu qabey.