lyadoo arrintu halkaas marayso oo aan cidina far dhaqaajin ayuu Ismaaciil maalin dambe wuxuu tegey Wirwir oo - mindhaa - aroor geeyey. Makhaayad rag badan fadhiyo isagoo jooga ayaa nin saajin ahaa oo Ducaale -qaroon la oran jirey ka codsaday inuu gabay maaweelo ah mariyo. Ducaalena wuxuu ka mid ahaa nimankii askareed ee Jaamac Calinuur tacshiiradda ku furay, gaar ahaanna waxaa isaga loo tirinaayey inuu labo xabbadood oo hore .ku lahaa. Ismaaciil ciilka haya show maba oga! Maxaa yeelay haddii uu malaynayo waxa ka soo socda gabay ma weydiiyeen: Labo goor hadduu noo mari ku celceliyey ayuu isagii isku regey oo tixdan caanka nogotay, bari iyo galbeedna laga yaqaan, goobtii ka mariyey :
Isma oga Ismiir' iyo ninkii ayro foofsadaye
Isma oga arbaha weerka iyo ariga goosmaaye
Isma aga waraabaha «am» liyo awr la laayacaye
Isma oga atoor gadow bartiyo uubta loo qodaye
Isma og2 nin urugaysan iyo eelka kii dhigaye
Isma oga dhillada uunsatiyo awga taa’ibaye
Isma oga aqgoonxume dhergiyo meleg arsaa’iile
Isma ogi agoon iyo ninkii aabbaheed dilaye
Isma oga askari qgoogan iyo nimaan afbuux siine
Istna oga abeer qalabliyo inanka doonaaye
Isma og ugaar iyo libaax adamiyaystaaye
Waxba gabaygu yuu ila ordine waxaan ku soo ooday
La illow nin aakhiro tegoo iilka hoos maraye !