Soomaalideennii hore waxaa caadooyinkoodii ka mid ahayd inay isu gabyaan. Marmarka qaarkood waxaa dhici jirtey inay gabayadu colaad, dirir iyo iska hor imaad soo jiidaan marmarna iyagoon waxbaba keenin ayaa halkooda lagu dhaafi jirey. Reer Hagar iyo Caligeri ayaa intii muddo ah isu gabyi jirey, markaas baa ceelka Laasadaar la yiraahdo laysugu yimid o o gabayadii laga heshiiyey, ninkii mar dambe gabay maag ah tiriyana waxaa la xukumay in senge fardood laga qaado. Calidhuux iyo Ismaaciil Mire (Caligeri) ayaa mindhaa midkood gabayadii xarigga ka furay, markaas baa Aadan carab (reer Hagar) dhirfay oo tixdan mariyey. Wuxuu yiri; isagoo Calidhuux iyo Ismaaciil aflagaaddeynaya :
Suulkii Laasadaar laysu dhigay suuro mogon waaye
Qawlkii sengaha laga xukumay loo saldhigi waaye
Sandhal weeye nabadday dorraad nala saxiixdeenc
Siyaadiyo ninkii boqol jiraa seera dhaaf noqoye
Suufigan Ismaaciil Miriyo saanta' Calidhuuxa
Sawiriinta reer Caligeraan saro la’aanayne
Salaan’ :yo Qamaankii® dhinteey sano wadaageene
Sayid iyo Biriir waa raggay kala sed qaadeene
Odayada sirqgaha wada noqdee qaatay sebenkooda
Sallibyada dadkii lagu daree seexashada diiday
Saanreebyadaan aamusay sayncaddaaga'ahe
Markaas bay Ismaaciil iyo Calidhuuxba ka jawaabeen.
Wuxuu Calidhuux yo «saan» lagu sheegay ku yiri :
Cad hadduu carrada kaaga dhaco amase ciidoobo
Cagli nimuu ku weyn yahay ma cuno calafka qaarkiise
Anigana carruuraha yaryari waa iga caynkaase
Maxaan Aadan carab kala hadlaa caagil baan ahaye
Ismaaciilna :narkaas buu tixdan yar Aadan Carab ugu jawaabay. Wuxuu iska dhigay biciid weyn, isagana atoor buu ka dhigay, ugu dambaystana wuxuu ku waaniyey inuu iska aamuso, si uusan dib dambeeto u ciilkaambiyin. Wuxuu yiri :
Wax atoorka geesku uga baxay eri biciid weyne
Markaan Aadan Carabow sidii aarka kugu yeero
Oo aan axaab’ kugu akhriyo kun iyo aalaafa
Oo aan ateert kaa lulaad adebsan doontaaye
Ararsamaba waa wada yaqaan amarka taagwaaye
Irmaankiinnu maantuu dhacmaye iranka loo qaaday °
Abtirsiino jeeray tagtayaan anigu raadceeyey
Waataad arwaaxa u baqday eed ku ag wareegteene
Iskuna wagnay Aadan Axmedow eebo dirireede
Iska aamus yaad ina adeer eersan gabaygaase !
Labadan gabay ee ay Ismaaciil iyo Calidhuux kala leeyihiin aad bay u kala duwan yihiin, Aadan carabna ugu kala daran yihiin. Ismaaciil baa loo qaatey, maxaa yeelay wuuba la xaajoodey, Calise waa baabba’shey, wuxuu ku maseeyey hilib ciid ku dhacay oo aan cidina qaadashadiisa u hawoonayn!, Nin kula garramay waxba kaama dhibo; kii kaa aamusaase kuugu daran !.