INTAANAN BILAABIN
Gabayada Ismaaciil waxaan ka helaa waxaanan kuwa kale gabayadooda ka helin. Waxaan ka helaa murti qoto dheer, asii meel dhow oo qof kastaaba dhuuxi karo lage soo qabtay. Waxaan ka helaa kaftan iyo maaweelo kolkii aan akhriyo aan u bogeyso, ama ugu yaraan, aan ku farxo. Waxaan ka helaa waano iyo wax usheeg odaynimo oo ruux waliba wax ku qaadan karo.
Waxaan ka helaa dhaqan iyo falsafad Soomaatiyeed hadii ay dhab tahay oo ay jirto falsafad aynu gaar u leenahay, sida kuwa kale, isla weyn oo murtida afkiisa lagu tiray masuug ku ah,
Gabaygiisu arar dheer oo faan ah oo ulajeeddada i illowsiisa maleh, “Halag iyo mas baan akay” kuma uu bilaabo sida Salaan iyo Sayidka, Tixdiisa uma ararto, hadduu yeelana waa labo ama saddex tuduc. Toos buu u bilaabaa, wuuna ku sugaa !.
Taas looma qaadan karo gabay yari ama af gaabnaan, maxaa yeelay marka horeba ararta, dheer macnaheedu gabay aqoon ma aha. Ismaaciil waxay ka ahayd isbihinbihin iyo waxa ay reer Galbeedku u yaqaanniin nafduudsi (self-denial) wanna tilmaan ay dadka aqoonta lihi iska leeyihiin.
Inuu gabay iyo murti ka buuxay Cali dhuux ladtiisa ayaa u qiray markuu yiri :
Ba'da gabay Ismaaciil Miraa buuni ku ahaaye
Beyduu akhriyey weli ma oran yaa beddela kaase.
Sayid Maxamadna wuxuu oran jirey; «Gabayga Ismaaciil laaxin ma leh».
Dadka gabya uma ay badna inay sidaas isugu marag fuuraan, balse marka uu qofi sida Ismaaciil, u caan baxo cid qarin karta ma jirto!
Haddii xitaa aan Calidhuux labadaas tudud oran, marnaba shaki iigama jireen inuu Ismaacill gabay iyo geeraarba buuni ku aha, maxaa yeelay waxaa i hor yaal, adigana aan ku soo hor dhigay, in inagu wada filan oo murtidiisii ah oo aynu kaga deeqtoomi karno dadka kale maraggiisa; ha ahaadeen kuwii la noolaa ama kuwa haddeerba nool ee la yiraahdo waxay u dhuun daloolaan murtida Soomaalida.
Ma ahayn Ismaaciil nin gabayga doondoona oo habeenkii oo idil sadex erayba eray ugu toosinayo waaberigii dadka u sheega. Nin wuxuu ahaa durbadiiba tixda yiraahda siduu u rabey iyo si duu doonana u yiraahda; waana taas midda gabaygiisa isii jecleysiisay.
Tan ugu daran ee uu aftahannada badankood kaga duwanaa waxay ahayd isagoo aan abidkiisa murtidiisa wax dheef ah ku doonin (Material gain). Dhallinyarada, ragga reer miyiga ah iyo dumarka ayuu gabayga u marin jirey goor iyo ayaan: sagoo ista markaas necbaa inuu dadka madaxda ah gabay ku maaweeliyo ama ay ka gabaysiiyaan !
Kibir kama ay ahayn, waxuu rumaysnaa inay murtidu murti takay oy aysar habboonayn in waxtar lagu raadsado. Wax badan buu nin i tadax ahi ti gabay yiri, kolkaas buu isagii isku rogey oo midun eeday mariyey ! Tusaale waxaa taaskuugu filan gabaygu Carab dheere.
Cumar Xuseen buu beri gabay dheer geela ku amaanay. Wuxuu tilmaamo iyo waxuu wanaaggiisa tiriyaba mar- kii dambe ayuu intu daaley yiri :
Ma aan dhammayn geel waxa uu galo kumana dhee-raane
Sidii oo kale ayaan aniguna leeyahay ma aan dhammayn, umaana dhoween, kumana dheeraan taariikhdii iyo til-maamihii ismaaciil, in kastaan isku dayo inay maalmo badan qalinka iyo warqaddu isa saanaadaan oo aan eray walba isticmaato.