INAAN GARANAYAAN SHEEGAY ?


Xasan Shiil oo «Gabay - aweyti» caan ku ahaa wuxuu ka mid ahaa raggii hore oo gabay heer sare gaarsiisan lagu bartay. Ismaaciil Mire ayaa waagii dambe wuxuu maqlay

in Ingiriiska iyo askartiisu ka gabaysiiyaan oo ay markaas lacag ku siiyaan. Gabayga oo lagu shaqaystaa Ismaaciil maroor bay la ahayd, siiba haddii gaalada wax looga doono. Kolkaas buu damcay inuu arrintaas gabay ka tiriyo, hase ahaatee. keligeed kuma uu koobnaane waxaaylo kale oo gallooc la ahaa ayuu ku soo daray.


Waxyaalaha uu ku soo qaaday waxaa ka mid ah sheeko dagmadooda dhexdeeda ka dhacday oo ahayd: In nin Faarax Barre Ja oran firay gabar laga guursaday, inuu ninkii guursaday xoolo bixiyey, dabadeedna inuu odaygfi yaradkii qawaday oo uu aqalkii oo dhan udubbada u siibay; Wuxuu gabayefi ku yiri:


Axmedow' nin gidira oo da’ iyo gabow la ciiraaya

Oo galabta Beerdhiga dhacdiyo Garabcad soo joogey

Aan gedo yarayn baan ahee gabay aan kuu sheego

Waayeel guddoonshiyo tashiga odayo loo geeyo

Iyo  inuu gungumihii ka lumay Ina Garaad Faarax-

Aan guurtit noolayn inaan garanayaan sheegay !

Inaan laasadaar gacalka iyo xididka gaaraynin

Oo nimanka reer Gorod Xirsiyo Calac ku oomaayo

Uu gabi qaraabada inaan garanayaan sheegay !

Soddoggii gurracan maalin bay garu ku ciirtaaye

Markii Faarax' geel iyo dab iyo guuya laga buuxshey

Hadduu kebedda gaalleefta daray dabayaruu gaatey

Uu bees u riday buulku waa ilaba gaabnaaye

Inay labo galaan quban inaan garanayaan sheegay!

Labo guulka Odayood inaan garo ku naaxaynin

Oo aan garoor laga dhameyn iyo ganuun xoor leh

Ay guriya «wii» layn inaan yarnayaan sheegry !

Gabdhahsoda reer hebel haddaan guurka laga deynin

Oo aan sammaankiyo dabkiyo oeela laga seerin

Aan sumad rac kaaa yaariyo sololo loo yeelin

Geyaan xumo inay dhici tnaan garanayaan sheegay!

Inaan reer Gumaarholoc’ raceti so’ay u aaraynin

Oo ayan godahtooda manan eyoasan kari haynin

Oo aanay aaranayn lataha guban xalaaleeya

Ay gooin dheer wari inaan garanayann sheegay !

Inaad Gabayy - aweytow lafaha yehi ka xooreyso —

Oo aad galbeed tegi adaan guuyo badan haysan

Oo aad go’ iyo u xiran rodol la soo gooyey

Aad gacaliyow cuni callaal lagugu gaadaayo

Oo aad dhalashadaadii ku gadan galin waxaad quudan

Oo lagu geyeysiin wixii Halacba’ loo geystey

Aad ceeh la goloslayn inaan garanayaan sheegay

Inuu reer tolkay gudo haween gam isku siinaayo

Oo gamas wax xiiriyo amley la isla gandaayo

Oo gaban agoon nogon inaan garanayaan sheegay!

Gaawaha karuursani inuu rag isu geynaayo

Oo gaarka reer Faarax Hagar gudo colloobaayo

Ay oodda kala geyn inaan garanayaan sheegay !

Gus weynida Ogaadeen inay geeri dumar joogi

Goonyaha haddaan lagaga qorin gudimo xiiraysa

Inuu gaari mawtiyi inaan garanayaan sheegay !

Gaaddo weynta gabareed haddii garabku weynaado

Godka lagu cadaabyeey! hadduu gowiye naaskeedu

Dadkoo gama’san leylkii hadday sacab guureysa

Ay wada gableeyaan miday gelin ta haasawday

Garacyaley inay noqon inaan garangyaar shcegayx”

Ninka gaalo caabuday rabbina gooyey xarigiisii

Beryo wuxuu gabraartaba hadduu meleggu soo gaaro

Jahannaba inuu geli Kitaab garanayaan sheegay !