INAAD DHIIRRAN TAHAY

Xididku, Soomaalida giime weyn buu la leeyahay, nin iyo xididkiisna wixii isu geeye ama xumaan ka dhex dhaliya waxaa loo «aadan karaa wax weyn. Taasi waxay si fiican u muuqanaysaa markaynu dib ugu nogonno dhaqankeennii hore qaybtiisa xididka la xiriirta.


Nin Soomaaliyeed ayaa !oo yimid oo lagu yiri, «War ma og tahay hebel soddohdiis buu dharbaaxaye»! Markaas buu yiri, «Maxaa iyada geeyey halka uu’ inaka ay soddohda u tahay gacanta kala gaarey». Nin kale oo abwaan Soomaaliyeed ah ayaa beri yin, «Nin iyo seeddigiis wada hadlay’ suugaan’ rag baan moodey, soddoggii hadday gaadhana saxariir baa moodey, soddohdii hadday gaadhana ha la kala socdaan mooday».


Ismaaciil isagoo Faadumo Dhoorre qaba ayuu haddana guursaday Dhiimo Cawad oo la filaayey, mar hadday minyaro’ tahay, inay iyadu wagqtigiisa inta badag qaadan doono. Taasi ma ahicin, Ismaaciilna afadiisii hore ayuu ja dhigtay. Halkii ay gabadhii ka masayri lahayd ayaa hooyadeed oo Calowla Ia oran jiray masayrtay, kolkii ay cgaatay inaan Ismaaciil, sidii ay u malaynaysey, Faadumo ka jeclayn gabadheeda. Masayrkeedii ma ay qarsane diirka ayay ka qaadday, heerkii ugu sarrecyeyna waxay gaarsiisay markii ay gabayday  o o ay Faadumo wax uga sheegtay sidii iyadoo lala qabo !.

Gabar dhalada oo dhuuban oo dheer maad qabine 

Weylaatis' dhiina iyo lamma’i kuuma dhinac oole

Adigaaba dhaydhayanayee dhabayac’ weeyaane 

Dhuullaca magaalada waxaan dhiro ku soo laaqay

Sidaad Uhiimo  balaxeey u tiri baagimay nogotay


Soddohnimadii intay illowdey ayay tiri :

Gabaygaas, sida la wada garan karo, Faadumo aad bay uga xumaatay, waxayna saygeedii ku tiri, «Gabaygaas aan ka gabyee ii yuggolow ama wax ka dheh». Wuxuu yiri, «Anigaa ta ii gabyey, jawaabtuna anay ila gudboon tahaye, adigu meel #a fariiso». Sida ay ila tahay Ismaaciil inuu ka aamuso ayuu lahaa, inuu wax ka yiraahdana xaq buu u lahaa. Tii uu xaga u lahaa ayuu ku dhagaaqay kolkuu Calowla u jawaabey, isagoo marka hore waxa dhacay iyada dusha ka saaraya, marka labaadna Faadumo u aargudaya. Wuxuu yiri:


Dhammey Calowla inaad dhiirran tahay dhebedku} ii sheegye

Anoo yaradka soo dhurahayoon chib tyo ceeb keenin

Inay dhillo kii ii gasho oo la igu dheereeyo

Dhiqi mayso labadeenna reer iyo dhammaanteene

Adigaa chabbada ii baxshaye dhibic yar baan baanay

Gabar dhalada oo dhuuban oo dheegga Maxamuuda

Oo dhatcysa oo khayr leh  o o dhaqata reerkeeda

Oo aan dhagamsan sida Dhiimo meel dhuci’ ka

raacaysoOo dhego adayg lama jeclee magasha dhawdayda

Oo dheegga Maxamuuda baan dhinac ka seexdaaye

Dhuullada magaalada haddaad chiro ku soo laaqday °

Wax dhistaba inuu waayey sow ma adan dhaadeynin

Adigu dhoodso' gabadhaadu waa dhababka too qaadye !

Dhaayaba’ ayaa saaray oo dhalashadii eeday

Haddii aad lamma'a dhiina iyo toban dhilaal