HOY ILAAHAY KA YAABA

Ceelka «Docmo» Ia yiraahdo oo biyo xoog ahi galeen ayaa niman askar ihi xirteen. Dadkii aroorka ahaa ayay uga dhaarteen, waxayna yiraahdeen, «Ceelkan dawladda ayaa iska leh». Antintii oo sidaas ah ayaa waxaa ceelkii yimid Ismaaciil oo awr dhaan ah wata iyo nin kale oo ay wada socdeen.


Isagu caan buu ahaaye, askartii baa ku tiri; «Ismaa ciilow, adiga awrka waannu kuu dhaaminaynaaye, in yar aynu sheekaysannee bal soo fariiso». Wuxuu yiri, «War an baa ila socdee ama labada rati noo wada dhaamiyama iskaba daaya aannu meel kale u aroornee». Waxay yiraahdeen, «Waannu yeellaye, bal gabay noo mari».


Markaasuu siday wax kale uga eegayeen iyagii isku rogey oo waano iyo cambaarayn ugu dhaqaaqay. Wuxuu u sheegay waxyaalaha ay ku kecayaan dhibaatooyinka ay dadka u leeyihiin iyo sida ay habeen aakhiro u eedi doonaan haddii ay ku sii wadaan, Geeraar buu wuxuu ku yiri :


Nimanyahow askareed,

Haddii aan eray xuura

Oon aqligayga ka fiirshey

Iraahoo idin waansho

Ibtilaa dhulka joogtee

Armaa lay gqabsadaayoo

Awowgur. Dhaladiir

Afka ii gelisaan 


Markaas baa inta Ia qoslay lagu yiri, «ha ka yaabin» kolkaas buu yiri :


Nimanyahow askareed

Nin hadduu asaruuro

Oo kufri aaladdii qaato

Islaameedka luggooyo

Inamo uu la cayaaro

Uu kibis uurka ka buuxsho

Ma aslaaxo gadaalkoo

Arrinkuu tabcanaayuu

Ehlunaar ku noqdaaye

Haddii cad Nebi Aadan

Tyo Xaawo udgoon

Isirtoodii tikiin

Hoy Ilaahay ka yaaba

Nimanyahow askareed

Ummulaha baqtiyaayiyo

Odayaasha gaboobey

Ceelkan aad a xidheen iyo

 Laga oonsho xareedda

Inkaar taa dhici doontee

Haddii aad Nebi Adan

Tyo Xaawo udgoon

Isirtoodi tihiin

Hoy laahay ka yaaba