HIQDAADA QUULLAHA KA GURO
Waa gabaygii mid uu tiriyo ugu dambeeyey. Siigacase abaarta loo hixiyey ee ku aaddan 1951kii ayuu mariyey. Wuxuu kaga hadlayaa, sida gabayga guuguulaha ee aynu soo aragnay, abaarta dalka saabatay iyo Waxadadkii guud ahaan kala soo gudboonaadey.Intuusan tixda bilaabin ayuu arkay hal uu jeclaa oo soo dalkakacday oo darantii iyo dhulkii ay daaqi jirteyu hinganaysa. Markaas buu inta iyadii ku halgabsaday yiri
Qaaliyey adduun kaa qgafilan qaabka uu yahaye
Qawlka iyo darantii haddaad u qalbi taageyso
Qabawgii Higlooliyo haddaad Quracle dooneyso
Rag ka quusay dooxooyinkaad qaayo ku lahayde
Qallaalkti Furriyo waa abaar qalaxi Geeddheere
Qoys kama bidhaamaa Ia yiri qararki Hoosley e
Warsengeli wuxuu sii qubnaa Guban qallaalkeede
Qallaafey ka duuleen kuwii Qawlo yuururaye
Cabinaasir qalalaasihii qabey ogaadeene
Afartaadan qoob iyo candhada gabilka aad mood
Oogada qabiirtiyo gollaha qolofta kaa saaran
Qac markaan ku siiyaa indhaha lay qarrariyaaye
Amba qulubka waan kala qabaa garawga e
liiqdaadz quullaha ka guro qiil Allaa bixine