Waxa uu Isinaaciil ahaa nin dumarkiisa iyo carruurtiisa goor iyo ayaan waano ula taagan. Nin kastaaba dadkiisa wax waa sheegaa, ha yeeshee ninka aftahanka ahi waxaad mooddaa inuu taas dadka kale kaga dheereeyo, sababtoo ah isagoo wax walba garashadooda iyo wax ka soo qaadkooda ugu dheg daloola si aynaan innagu ugu dheg daloolin.
Waxa uu gabayaagu arkay inankiisii. la oran jirey Cali Ismaaciil oo cayaar iyo dhallinyarayn u bayray, kana baagsaday halkii uu ka filaayey oo ahayd tacab, xoogsi iyo xoolo dhaqasho. Markaas buu wuxuu gabay ku tusaaleeyey siyaalaha kala duwan ee aadanuhu u shaqaysto iyo sida uu qof waliba ugu tallamayo inuu meherad yeesho oo uu meel iska soo saaro. Waa gabay canaan waalid ah oo ay ka dhex muuqanayso inuusan gabayaagu marne raalli ka nogon wixii uu inankiisu intii uu jirey soo qabanayey. Wuxuu jiri :
Caliyow xuxuus ku dullee weled xumaadaaye
Xaluun baan xadiis gabay la kacay oo xafiiltamaye
Dhagashaba ka xaalaysannine magal xaruuftayda
Cabdi iyo Xuseen kaa Xirsiba kaa xusuus
badane Xadka qabada niman gudboo soo xankaabsada e
Xadka y ibada niman gudboo soo xankaabsada e
Niman caa xeryaha deyr ka dhiga xananka toomoode
Niman baa xijiga iibsadiyo xabag qaroomeede
Niman baa xafaarka u guntada oo xabaal qoda e
Niman baa dayuurado ku xiran xiima samadaase
Niman baa xarrago quursaday oo xaarka iibsada e
Liirah tag baa Xamar u tegey xeeb intuu maraye.
Hablaa xuuralcaytaa raga xeel ku guursada e
Xajinnimada niman baa ku tegey xad iyo laandeyre
Wax dhuuxaan sidkaha kuugu xiray xaaluf iyo booge
Wax dhaaxaan xagaagii wan weyn xawda kuu jaraye
Wax dhaaxaan sengaha xoodiyoon kuu xabbaadh ridaye
Kulay Xcawaley tahay dad waa xagafsanaayaaye
Soddon gu baan ku xaasaanshey iyo weliba xaabxaabe
Kugu xiigay saan kuu lahaa xaaxayahay toose
Xaguun labada daarood ku daran hays xakabin meelé
Cali, dabadeed, wuxuu gortay askartii Talyaanigace «sabtiyaha» lagu magacaabi jirey. waxaana lagu diley dagaalkii labaad ee adduunka.