HAYINKA II RARAI!

Waxaa ka dainbeeyey gabay isna kaas hore la mid ah oo calaacal ah. Intii uu dumidda colka ku jiray buu mariyey, wuxuuna ku tusaaleeyey sida uu u geel la’yahay, sida rag haleelo uga buuxo iyo sida uu uga xishoonayo kuwaas baryadooda iyo ku hoyashadooda. Waa gabay isugu jira guubaabo iyo beerdulucsi. Waxaad ka garanaysaa inuu rabo in ciidan loo ururiyo oo dhallinyaro la raaciyo; kuwaas ya awood u yeelan doona siduu isleeyahay  inay diillin dhigaan oo geelal soo meersadaan! Wuxuu yiri :


Hindisocdayeey! xalay miyay hiribtay laabtaydu

Habeenkit la hurday miyaan hoos isula shawray

Hammi iyo hawada geel miyaan hilinka taakeeyey

Markii waagu ii halalac yiri harag miyaan qoystey

Hasha keliya soo godol miyaa hibasho ii keentay

Ma haruubka Qawl lala galaa iga higgaysiiyey

Tolkay co haleelo leh miyaa igu hor maalaayaa

Haamaha karuurka ah miyuu igu hangqaareeyey

nagga hootanuugga leh miyaa haybta la i raacshey

Ma hoyaatinkoodiyo baryaan ka hawo weynaaday

Hambaabuladan Faadumo xabbado hawl ma Kaga dhuuntay

Awel baan hafriinyo u dilaye haatan ma i heertay i heertay

Haasaawaheedii badnaa ma isku haaraamay

Haween iyo carruurtii miyaan hooy iskala seexday

Col bay hibadu ii saaran tahay aan hawadiyaaye

Haddii uan hormaro Eebbahay ima hungeeyeene

Markaan sida halyeyga u ciyaan heli sidaydiiye

Hawiyaa ku furay baa la yiri hiladi Qaaweele

Hayinka iit rara aan reer Calow hawdka sii mary e!