Sayid Maxamed ayaa amar cad ku baxshey in Ismaaciil geelii la helaba hasha gabayga laga siiyo. Maalintii dambe ayaa col baxay. Waxaa ammaanduule u ahaa Darwiishkii la oran Jirey Abshi: Dhoorre Xasan' oo ragga dagaallama iyo qusuusida labadaba ka mid ahaa. Geel baa la helay, colkana Ismaaciil baa ku jirey. Abshir Hashii gabay ee Sayidku u xukumay Ismaaciil waa u diiday. Waa markaas marka uu tixdan mariyey; taas oo uu kaga cabanayo xeerkii la yiqiin oo Abshir jebiyey oo uu haddana ku sheegayo qaar ka mid ah sababaha uu hashaas ku mutaystay. Wuxuu yiri:
Cadka goonji nimankii i baray yaanan soo gocanne
Garwaagsiga Ammaan yaan ilmadu gaaddada i qoyne .
Gimrigiin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo
Daraawiishta goommani hadday guriga soo
Galaxeeda caanood hadduu gaari kari waayo
Galowgaan u taabanahayaa gu’ iyo jiilaale
Cimrigtin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo.
Dabatadaba’ wow gabawartaan Garawadeenniiye
Gawaamahaba waa kaga tagtaan dhogor-gardhaalegye
Cimrigiia ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo!
Guurraha habeenkaan sidii galow i yeeraaye
Galiilyadana’ waa kaga ba’shaa sida gal roobaade
Cimrigiin ma gaabtee hashii gabay ha lay siiyo !