Waxaa dhacday inaan ergooyinkaas dheg loo dhigin oO aan marna wax waanwaan aa yiraahdo laga gaarin. Ergo uu Ismaacii] ka madax ahaa oo magdoon ah ayay beri is - afdhaafeen nin duq ah oo Maxmad Cali Bulay laoran jirey, kana mid ahaa odayaasha Barkad ee bixinta magta iyo guddoonkeeda laga dhawraayey. Odaygaasi dhaar buu ka maray mag uu bixiyo, inaan neef keliya xeradooda Jaga saarayninna waa ku xilo dalaagay!. Markaas buu Ismaaciil ku curiyey tixdan gabayga ah ee xigmadda iyo waaya - aragnimadu ka muuqanayso. Tix caynkaas ahi waan hubaa inay dheerayd, hase ahaatee intaan keliya ayaa taaga soo gaadhay. Wuxuu yiri :
Ragba Maxamadow' horay tashiga ugu heshiinwaaye
Hindise iyo toy kala kaxee tan iyo Haabitle
Halka soo mar iyo kayga magqal hiif ku kala raacye
Hantida looma qaybsheen hadduu helayo tawfliqe
Haadaantu niman bay tahay hilinkii toosnaaye !.
Mar kale oo aan la hubin fnay markaas hore isku kol yihiin iyo in kale, Ismaaciil tixdan kale mariyey,’ isagoo ambabaxsan ka dib kolkif ergadii wu madaxda ka ahaa sidii horayba loo hoojin jirey loo hoojiyey. Markaas waxaaba la moodaa inuu quustay oo samirba foogo. Wuxuu
yiri :
Bishaan iyo bishtit hore ergaan boor u yuururaye
Barkadow xaq kugu baadey kaa baryahayaaye
Bixinna maysid oo xeer xun baad buug ku dhigateene
Maxay roo ballana maanta waa bixitimaayaaye.
Ragii badnaa ee gabayada guubaabda ah ee Jaamac Calinuur ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Aadan - carab? iyo Calidhuux. Asdan wuxuu yirt. isagoo Caligeriga hahacsanaan iyo isdhigesho ku cambaaraynaya:
Caligeri danduushiyo ha sido gudimo daab weyne
Dayrtiyo gugii haw baxeen daanka jilibboode
Degta Xaarreiyo Dhoobaweyn deyr ha mariyeene
Duunyana ha moodeen lo'dii dacasha dheerayde
Kuwii Jaamac Calinuur deldelay deris ha moodeene
Calidhuux Aadan oo ka mid ahaa raggii gabyi ogaa ee Soomaaliyeed, isna qayb buu ka qaatay guubaabintaas, hase ahaatee isagu sida Aadan -Carab Caligeri dhammaan afka ma wada marin, maxaa yeelay isagaa ahaa. Wuxuu guubaabada u jeediyey reer Guuleed oo ah jifidii uu Jaamac ka dhashay, Ismaaciilna ka midka ahaa. Wuxuu Calidhuux tilmaamay sidii uu Jaamac u ekaa iyo quruxdii Ilaah ka muujiyey, ugu dambaystiina wuxuu caddeeyey inuu Jaamac aad u jeclaa, ha jirto ama yayan jirine. Wuxuu gabaygii ku yiri:
Sidii fiin jir naawilahaya iyo jees ta miri doono
Amaan iibo col saadinahayaan jawda ku hayaaye
Jananmandii' wiilkii ahaa johorod nurkeeda
Ee Jaamac Calinuur ahaa jiir ka naxa waaye.
Jifiduu ahaa baa xun iyo Jamaca Guuleede
Jirirgeyrka’ Nuur Ciise’ waa juuq midaan orane
Jiriiricada oogada qodxaha laygu jebinaayo
Alla waa jeclaantaan u qabey jama: diisiiye !
Ismaaciil gabaygii hore ee Aadan-Carab wuu ka aamusay, in kastoo uu mar dambe wax ka soo qaadi doono. Ha yeeshee midkaan Calidhuux dood kulul buu ka celfyey,isagoo ku dhalliilaya inuu diradiro keliya ka adag yahay, kana baaqsaday hiilka reer Guuleed uga baahan yahay.
Wuxuu u qiray - sida qof kasta oo inaga mid abiba Cali-dhuux ugu girsan yahay - gabay aqoon iyo aftahmo.
Ba’da maanso Cali Aadanow bili laguu saarye
Bushimaa nin kala qaada gabay waa u badisaaye
Markayse bawdo gacalkaa jabtaad boogta danaqdaaye
Buug digasho ah baa kuugu jira baaddinkaa sare e
Bal i magqal waxbana biiro iyo biidna hay tarine
Waxaad iigaga bixi maalintaan yaargab loogsado e
Goortay balaayadu dhacdaad baal ka yabaqdaaye
Big waxaad u oran geedqodkii barida weynaaye
Adigiyo burgaha' reer Shawaa bixiyey Guuleede
Arnagu waa barraahnaa siday noo burburiyeene
Idinkaa bahnimo noo xigee ba’a e noo hiisha!
Calidhuux wuxuu ka xumaaday tuducyada lixaad, kan toddobaad iyo midka siddeedaad ee ku cambaaraynaya ballanfur, dhagar iyo cabsi. Markaas buu gabay mariyey; kaas oo rag maqlay ay ku warrameen inuu dheeraa, asii afartan tuduc ee soo socota wax ka badan aannaan ka helin. Wuxuu yiri -
Ba’da gatay Ismaaciil Miraa buuni? ku ahaaye
Beyduu akhriyey weli ma oran yaa beddela kaase
Maantuuse runtii baal maray bilaha iideede
Anigaan bagayn buu i yiri waad baxsanaysaaye!
War bal baaruudda foorari inaan kuugu bogi waayo !
Labadaas tixood ee yaryar ee ay Ismaaciil iyo Calidhuux isu celiyeen waxaynu ka garanaynaa sida midbuu midka kale aftahannimadiisa u rumaysnaa, in kastoo ay beryihii hore xagga fikradda Daraawiishta iyo Sayidka ayaad isugu diiddanaayeen.