HA FURFURIN DERMADA
Tanina waxay ka mid tahay sheekooyinka waddaninimada leh ee lama-dhaafaanka ah. waxay rag Daraawiishahi weriyeen in Sayid Maxamed ciidan uu Ismaaciil ku jiro meel u diray oo uu kula ballamay inayan degmada ku leexleexan, si aysan uga baaqsan hawsha Joo saantay. Goorgalab ah ayay degmooyinkii ku soo beegmeen, dabadeedna ammaanduulihii ciidanka ayaa raggii wuxuu siiyey muddo yar 00 ay carruurtana ku soo arkaan, dumarkoodana kula soo
ballamaan. Muddadii oo aan dhammaan ayaa ammaanduulihii siiri ku dhuftay oo inay fardaha fuulaan ugu baaqay.Ismaaciil Mire oo maalintaas ka hor 19 bilood maqnaa, afadiisii Faaduma tegiddaas haatana oo haddana degdegga ah aad bay uga xumaatay, waxayna jeclayd. inuu maalmo dhawr ah iyo habeenno joogo. Gabayaagu dadka kale ka garasho dheere, kolkii uu astaamahaas oo dhan gaaridiisii ka dareemay ayuu isagoo kadallooba gabaygan caanka noqday ku yiri:
Faadumoy falaadkayganaan fiiro kaa bariye
In faseexad loo wada hadlay gobi ku faydaaye
Fahmadaba adaan gaadan baad feero hadashaaye
Fillan' naag tagaan waa ibleys furug-alluu-keenye
Fidmadeeda xaajada adaa faraya shaalleeye
Ferenjaa:t ilaalaynayaa foos’ ka soo baxaye
Feddadaun wareegaa sidii farow’ ugaareede
Ma furfuro habeenkii guntiga foore soo dhacaye
Fakayoonka, iyo gaarka badan feeyigaan bidaye
Xeeryahan fandhaallaysan iyo Faarac’ labankeeda
Fujaamadan la soo sidiyo Foonka’ malabaysan
Fartaydac anaan saarin baan fuuli Looshane e’
Inaan adiga kaa fiigayaad igu filaysaaye
Furug igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye
Ha furfurin dermada layga waa inaan fariistaaye
Foolkii Astaadkaan ku helay faydo iyo khayre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma fakhriyo shareecada ninkii faraqa haystaaye !
Waxaad gabaygan ka garnaysaa inuu Ismaaciil Faadumo jeclaa, ha yeeshee uu dalkiisa iyo diintiisa ka jeclaa;.waxaad erayadiisa ke garan karaysaa inuu reerkiisa jeclaa, ha yeeshee uu ilaalada cadowga iyo jahaadka gaalada ka door bidi jirey. Guud ahaan waxaa gabayga laga dhex fahmi karaa waddaninimadii Ismaaciil iyo siduu Madaxnimada Sayidka u aamminsanaa. Bal dhegta u dhig, una fiirso marka uu leeyahay:
Ferenjaan ilaalaynayaa foos ka soo baxaye
Feddadaan wareegaa sidii faraw ugaareede.
Ferenjigu waxa weeye oo uu ule jeedaa ciidammadii Ingiriiska ahaa iyo kuwii kale ee gaashaanbuurta 1a ahaa, ‘feddeduna waxay tahay meelaha uu Ismaaciil ku abaaday
oo waaqlada ah ee aan cid iyo reer toona uga dhoweyn. Waxaad kaloo in yar ku joogsataa :
Foolkii. Astaudkaan ku helay faydo iyo khayre
Faataxo markuu ii maraan farax dhaqaaqaaye
Ma fakhriyo shareecada ninkii faraqa haystaaye !
Waxaa iyana layaab leh inuusan gabayaagu illoobin inay Faadumo haween tahay, lagana yaabo inay ku malayso inuu iyada ka warwareegaayo ama uu dumar kale meelo ku Jeeyahay ee uusan intaas 00 idil jahaad ku maqnayn. Si markaas ayan u masayrin ama wu hinaasin ayuu naxariistii Allaha siiyee - gole lagu dhan yahay ugu ballen qaaday inuusan iyada marnaba dumar kale u dhaafayn, hadda ka dibna u jeedin guur haween kale. Waysagii lahaa:
Inaan adiga kaa fiigavaad igu filaysaaye
Furug igu dilaa naag kalaan faraha saaraaye
Taas kama uu dhabayn oo waysaga Dhiimo guur Saday; in kastoo ay ‘abada waqti kala fogaayeen. Waxay rag Daraawiish ahi ku sheekeeyeen in markuu Sayidkii gabaygaas maqlay oo uu erayada ku jira dhadhansaday saddex bilood oo fasaxa Tsmaaciil siiyey. Fasaxaasi wuxuu u soo jiiday inuu reerkiisii ku dhex nasto oo uu ilmihiisa inti muddo ah-haba gaabnaatee la joogo. Wuxuu fasaxaas leftiisu ina tusinayaa maskaxda weyn ee Sayidka ku firtey iyo naxariista uu ciidammadiisa u hayey.
Waxay haddana ahayd dhiirrigelis iyo ogaal uu ogaa inay saddexdaas bilood oo nasashada ahi ay Darwiishkaas u keenayso adadkaan iyo firfircoonaan tii hore ka weyn, sidii bayna nogotay.