Maalintaas ayuu col lixaad leh la baxay. Habeen iyo maalin toona fadhi ma haweysan, socod. mooyaane. Dhibaatooyin badan ayaa la soo gudboonaadey; daal, gaajo, oon, iyo dandarro guud. Waxay socdaan iyo waxay socdaanba ayaantii dambe ayaa Nuur Ciise nin Ja yiraahdaa ku yiri, «Ismaaciil, waxba waynaga la’e, bal gabay oo geelinoo dhaawo». Markaas buu u leexday xagga hasha gabayga oomindhaa uu ka baqay inaan la siin haddii geel la taabo. Wuxuu yiri :
Nuurow’ gujaad igu disheen goor iyo alleyle
Garna maaha maansada inaan idin ka gaaxshaaye
Miyaa liga guddoonsadey cadkaa ii go’naan Jiraye ?!
Waxaa lagu yiri. «Hashii gabayga waad leedahaye gabay noo mari». Kolkaas ayuu mariyey gabaygan soosocda ee aan isleeyahay wuxuu ka mid yahay gabaydiisa kuwa ugu qiimaha badan, Wardheer kolkii ay sii maraayeen ayaa ammaanduule laga dhigay. Waxay har iyo ha- beenba socdaan wax geela oo naf leh ayay arki waayeen. Markaas buu gabaygan baryada Ilaah ah mariyey. Wuxuu yiri ;
Haddii geed ta jaro waa fujaa guun haddui yahaye
Gurma go'an gobkii laga dhigaa waa gadaal bixiye
Geydhuhu wuxuu lulan markuu gugu ku hooraaye
Wuxuu geelu ololaa hadduu gabanta waayaaye
Faras wuxuu u goohaa markuu gole xumaystaaye
Waxa Weerku raadka u guraa goosan baad heliye
Wax shabeelku garo leexsadaa ay hadduu galo e
Wiyil giririfleeyaa mar buu geedka jebiyaaye
Golli' waxay baraarka u gaddaa gaajo dilankeede
Geenyada ka soo lulay halkii gacal la’aaneede
Guntimit shirshooraha ka haray yaan u soo galaye
Aan gooraamo caawaan tolkay gaas la soo wacayel
Gahayrki. Wardheer' iyo ‘hashii gudurka loo quutay
Jibaaxeeda geeddiga hashaan Gila’ ka soo raacay
Hashaan guricaskeedii tirshaye gama’ la ii diiday
Ganuunkeeda xoorka leh hashay gocatay laabtaydu
Hashaan uurka uga soo. gingimay tobanka geedqaagle
Gob caddaysa iyo dheen hashaan guranayee xdabay .
Wax kastaba aan gooyee hashaan Igbada gaws daashey
Gaadiidka xoogga leh hashuu garabku naafoobey
Gurgurshaaga awrkaa hashii galowda loo taabtay
Gorradhigaha haamaha hashaan garangarshee xooray
Raggii wada gamuurraa hashuu golongolee dhuubtay
Hashii kabaha gaarkooda sare dhagaxu googooyey
Guntigeeda maradii hashuu igu garooroobey
Guuriyo bagoolaba hashuu galowgu eedaamay
Saalada gabowgaa hashaan gelin dhow moodaayey
Gorofkeedu marayeey ! hashii laga gabbaaraayey
Galbeed iyo hashii loola kacay Aarti! guudkeede
Gurigii Amxaarada hashii garagashee dhaaftay
Faalkii Gallay’ iyo hashuu maleka gaafnaadey
Iyadoo hillaac galac yiri oo garowga soo raacday
Tyadoo daruuraha gabdhamay Bila’ ku soo guurtay
Garaadaysannoo layska daa gef iyo faankiiye
Inay taladu kugu goonni tahay garey kas-gaagkiiye
Guulow Allow waa fogaa Gurigii Caymeede’
Oo kama geyoon karo colkuye gacanta noo buuxi!
Idinkuna hal geeraarshihii golaha soo jooga
Oo wacadka qaar lama gogtee gacalo ii siiya.