Gorse Biixi Qaley iyo Ismaaciil Mire waxay ahaayeen labo nin oo saaxiib ah oo wax isa siin lahaa. Ayaan baa Gorse wuxuu Ismaaciil u ballan qaaday tulud geel ah. Haddii intii waqti ah ballanqaadkaas laga joogo ayuu Ismaaciil wiil uu dhalay Gorse u diray oo ku yiri, «Maandhow
orod oo Gorse tuluddii uu ii shcegay iiga soo eri», Wiilkii markuu tegay ayaa Gorse ku yiri, «War gecla odaygu lo'duu ka jecel yahay, lo’diina waa iga maqan_tahaye, anigaa u soo eryi doona kolka ay timaaddo e adigu iska faabo». Gorse siduu marna geel baan bixinayaa u lahaa marna lo’ ayay muddadii lix gu’ isku taagtay !.
Ismaaciil kolkuu arkay inaan saaxiibkiis waxba ka soo socon ayuu u yeeray oo ku yiri »war waxba hay siine bal soo dhowow oo dhegta u dhig waxa aan soo wado». Kolkaas buu tixdan geeraarka ah u mariyey. Wuxuu yir:
Guullihii i abuurtayow
Hadday geedo ka raagto
Guuldarraysto' jiiddo
Garo taag daranaa!
Guullihii i abuurtayow
Moodhar guudka la joojiyo
Gammaan meel marsanaa !
Guullihii i abuurtayow
Gaadiid xoog badanaa !
Guullihii i abuurtayow
Gaajo qoob culusaa !
Guullihii i abuurtayow
Guumeys reer u shaqaysiyo
Guni xaajo xumaa !
Guullihii i abuurtayow
Geeso weyne biciid iyo
Rag ninkii godobeysan iyo
Dhabcaal’ goonnisanaa !
Guullihti i abuurtayow
Golxaalow jabayeey iyo
Gablamaay diriraay iyo
Geesi haadku gigaayiyo
Goubi hoog badanaa !
Guullihii i abuurtayow
Giir bey’ oomi okaa !
Guullihii i abuurtayow
Geelu qaalisanaa !
Guullihii i abuurtayow
Ninkii gaari_ wanaagsan
Gogosheeda ku seexday
Oy hadba gaash ku deyeyso
Gacaleeyo. fogaa !
Guullihii i abuurtayow
Goombaar' uu jinni qaaday
Ninkeedii gob ahaa
Gabtay reerkii u siiyey
Marriinkii uu u gaatey
Ku geylaamisey boor oo
Durba goonyaha jeexdayoo
Hadal wan gar ahayn
Oon garawshiiyo lahayn oo
Gega meel la candhaadha
Garbadh’ uun la likaysanoo’
Ku guruuructamaysa
Ma Nasaaro godkeed* iyo
Gocondhaa’ kululaa !
Guullihii i abuurtayow
Haddaad geedkan ka guurto
Asaad goobtan degeyso
Geeddi kawl badanaa !
Guullihii i abuurtayow
Guga maanta la joogo
Lix gugti ku ahaa
Tuluddaan ka guddoomay
Uu mariya geel ka dhigaayey
Marna Giir ka dhigaayey
Abaalkeeda guraayey
liga soo go’t weydaye
Gar weyn baaba ku yaalle
Ninkit ¢gaal la shaqaystiyo
Gorse been badanaa !