GUUGUULE


Marka ay abaari dhacdo oo ay haddana dheeraato oo xooluhu weyd Ia kici waayaan dadkana canaab iyo aroor dheeri la soo gudboonaado intaasi markii ay dhacaan Raga aftahanka ahi waa gabyi jireen. Nin si toos ah ayuu tilmaan uga bixiyaa, ninna wax buu ugu soo dhuuntaa rarkaasuu si gurracan waxa dhacay dadka ugu sheegaa.


Ismaaciil gabaygan soo socda wuxuu ku tilmaamayaa abaar dheeraatay oo xoolihii halis galeen dabjoog iyo duurjoogba, dadkiina ka dabo dhowaaday Wuxuu ka mid yahay ragga gabya ee marka ay doonayaan inay arrinka hadlaan aan durba dulucda u dhicine meelo soo marmara, taasina waxay si fiican uga muuqataa geeraarkii aynu soo dhaafnay ee uu u tiriyey Gorse Biixi Qaley iyo gabayo kale oo aynu soo aragnay.


Gabaygan, waa gabayda sida weyn dhulka Soomaalida hadidiisa fooga hato ee reer miyigeennu ku hadsaqaan yadba markii diraacdu yarehe dheeraato ama loobku daaho. waxaa la yiri, markii waxa ku kiciyey la werinaayey 


Ismaacii] iyo nin kale oo wada socda ayaa arkay shimbir guuguule h oo ciyaya Guuguulahana, waxay dhahaan, badanaa pugii buu ciyaa. Ismaacifl oo horay ahaarta dhacday ura welwelsanaa wuxuu u qaatay waxa chacay ee dadkii iyo duunyadiiba saameyey inay guuguutakuna soo gaarecn, sidaas daranddeedna uu fa ooyaayo Markaas buu isyiri Maad, waa xoolee. wax u sheegtid. oc darcenstisid in waxa uu qabo fala qabo ama wu isaguba rafleyda ugu roon yahay Markaas buu yiri 


Guuguulihiiyow haddaad guga u coyeyso

Haddaad mooddey keligaa inuu gubayo jiilaalku

Ama aad gabooyaha ku maran gama la dildayso

Giddigood addoomaha waxaa gaarey seben weyne

Abaar yaag ma reebaa dhacdiyo Gaaddamoo kale e

Gartaa maaha keligaa inaad paar u cabataaye

Guumeys cirro leh baan ahee war aan ku gaarsitiyo 

Geelii edduunka u adkaa gobollo weydowye

Golihii ka kici waa raggii geydho hayn jiraye

Tuuladuu il gabadh leynayade gobol barbaarkiiye

Hadduuna timirtan goob dhigi lahaa jiingaddey geline

Ninna uma gargaareen haddaan gaarka laga hayne

Gumburigii bar baa joogsadiyo gorayo cawshiiye

Saryanki gabraha weyn lahaa goob ka kici waaye

Waxa goonidaagii habsadey gubaddadii Hawde

Garanuugta iyo deeradii gaag yar baa haraye

Gobey .yo askari geyfan baa goodirkii jaraye

Guuyadiyo jliski hadday kala gol waayeene

Kama guuxo aargoonlihii geliga Toomoode

Shabeelkit gabraar lagu idlee Giiro layn firaye

Oo godadkii kama soo ciyaan gabannadiisiiye

Hargihiisa nimankii gataa guuldarruu sidaye 

Gaadiidtii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye

Ahminki la gawrici jiriyo gaabey arigiiye

Goggii subagga laga dhoobi jirey haatan gorofaadye

Basaas baa timihii kala go’een gaaridii dumare

Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye

Garaad Faarax iyo Maxamuud Garaad male gammaankitye

Neef kama gurxamo dooxaadii garada fiicnayde

Garoowe iyo Book baa harraad qaar u go’ayaaye

Gocond4o iyo daal bay gabaan garow la’aaneede

Ayaxii yeyiga joogi jirey guuto lagu saarye

Gubniyaa hareeraha ka galay gaartyaal wada e

Geedihii sun baa loogu daray geerinuu badaye

Wax ma galabsannine maalin baa loo guddoonsadaye 

Galowga iyo fiintii naf bay giida la hayaane

Gurxankiyo cabaadkiyo haddaad gooha demin weydo

Adigaab lagu gaadayaa gooshkan dabadeede

Gaagaabso oo aamus yaan gaar lagaa qabane 


Dadka qaarkiis marka ay werinayaan sababtii uu gabaygani ku soo baxay waxay yiraahdaan Ninkaas ay wada socdeen oo ubaarta ka cawday ayuu la hadlaayey. isagoo u sheegaya abaartu inay tahay mid uunka wada saabatay ee aysan isaga oo qura ku koobnayn. Ha yeeshee waxaa run u dhow oo laysku raacay sidii aannu hordhigga ku soo sheegnay.