GOD WALAALKAA HA QODIN

Nin la oran jarey Gaanni Cali Ducaale oo ka mid ahaa askartii Ingiritska, derejadiisuna ahayd saajin ayaa loo diray inuu reer Hagar gee kiis ahaan loogu yeeshay ka soo qabto. Cidihii loo soo diray intuu colkiisii ka duway ayuu geelal dad kale leeyahay weerarkii ku ballaariyey. Halkaas baa waxa lagu mooraduugay degmo aan dembi lahayn, xoolahoodiina lagu meersaday.


Gaanni markii arrintaasi dhacday kama uu aamusine gabay digasho ah 90 Caligert oo ka mid ahaa dadkii la dhacay u jeeda ayuu mariyey, isagoo wixii uu falay ku baanaya. Wukxu yiri:Cabdiyow colkii wuxuu ku dhacay Caliyo Haaruune


Isagoo cummiran baan ku furay cirifkad Laasoode

Ka cillaalay nimankuu kufrigu citraduu qabaye

Caska waaga maantuu gubnigu calan wallaynaayey

Uu labo Cigaal doonayiyo cuurka Bah Ugaara

Waataan dadkii kale ku curay cago madowdiiye

Ceeg iyo iyaba Buulalley nama cagqiibayne

Ciriddii la dhigay aabbahay Cali ma moogeyne

Haddii labada golo ciilgab iyo cayr la hoganeyso

Iyagaa curruurtoodu guran miran ciideede

Allaylehe cirna ha soo dumee Caligeraan dooray 


Gaanni wuxun gabayga inoogu sheegayaa aabbihiis Cali Ducaale oo ay Daraawiishi Ceeg ku dhaawacday inuu aardoonkiis ahaa, sidaas daraaddeedna uu colka Caligeri ugu saaray. Ismaaciil Mire gabaygaas Gaanni waxa uu ka celiyey gabay gaaban oo odaynimo iyo waaya aragnimo ka muugato, ahaana:


Annagu Gaanniyow gacalka dhacan waa ka gubannaaye

Gankaa naga xanuunsada wixii gaara reer Hagure

Garka iyo wadnuhuu nagaga yaal gebiga Daaroode

Uma gabayno maantii islaan gaalku weeraro e

Adigana ninkii geed mudaa waa gu kuu da’aye

Galowkiciye maantuu lafaha ina garaacaayey

Gulgulaha hinjiinkaa markuu kaga «gig» siinaayey

Gablama yay lahaayeey markuu innagu guubaabshey

Gamaa sayrankeedii markuu gooni cararaayey

Ee maraqa goobtii ka dhacay garab ekaanaayey

Galaamadiyo eeriga markii lagu gujeynaayey

Ee goodirkii dhatay ilmada gabax ka siinaayey

Ma geyo e hilbooluhu markuu gacan togleynaayey

Ee lagu gadaannaa mar baan go'i lahaa ciile

Ninse god dheer walaalkii u qoday gelina mooyaane

War sox adiga kugu soo gotaa gabas colaadeedku 


Gabaygaas Ismaaciil markii Calidhuux loo mariyey waa saluugay, wuxuuna ku sheegay gabay filicsan oo aan kii Gaani jawaab 4 nogon karin. Markaas buu mid faan iyo digasho ah Gaanni u mariyey, isagoo xusuusinaya raggii Caligerigu makalay oo ay isaga isxigeen. Wuxuu yiri:


Nin la maagay aan miro yaraan lagu malaynaynin

Maansan2 llaahay baroo macallinkeediiya

Oo gabayga sidii shiikh muftiya miinka ka higaadsha .

In madhcodho loo soo diraa waa micno la’aane

Haddiise dhiig macaan leeyahay iyo maal la kala qaado .

Raggu waa raggii Gaanniyow riday minkiinniye?

Waa raggii miskiin iyo agoon miiran kaa dhigaye

Waa raggii maqaawiirta culus mariyey Liishaane

Waa raggii mus gale kaala dhigay maganti lidoore

Waa raggii maskii Camey diliyo magaddinkiinniiye

Sidii Jaamac dalab loo mudmuday ma adan moogeyne

Magligaan ku gawracay ninkii maqashay dheeraaye

Marriinkinma waataan watiyo macawistiisiiye

Mirirkiina waa kaa ku yaal marada dhiiggiiye

Dhalintii makaawida qabtay ee wada mushaaxaysey

Maydkodu waatuu ahaa maadha oo kale e

Muusannowgu wuxuu kuu ekaa maalintii hore e

Miiq looma kala goyn raggaad magac wadaagteena

Waa ragii mareegaha u furay maalin reer Hagare .

Bal maxay macaash keentay dhaha maansadaad tirisay