Xumaan iyo samaan, guuldarro iyo guul wax alla wixii qofka aadanaha ah la soo gudboonaada isaga ayaa gasbaday, wax walibana sabab bay ku dhacaan ee wax iskood isaga dhacaa ma jiraan. Falsafadda iyo fikradda caynkaas ah dad badan oo uu Ismaaciil Mire ka mid yahay ayaa rumaysan ama qaba. Maansadan soo socota oo dadka intii taqaani jeceshahay ayuu gabayaagu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo dhaqanka Soomaalida iyo dhaqammada kaleba guuldarro ku ah. Nin macaluul iyo gaajo u dacdarraysan, maxaa u kecnay? Gabadha garcatay, maxay u garcatay, maxaa hortii u geeyey 2? Haweeney kolkii ciddu guudhay iyadii iyo aqalkeedii degclkii looga tegey maxay eersatay ? Naag da‘ah oo aan tacab lahayn, wax u gargaarana haysani maxay galabsaty ? Meel dagaal ka dhacay oo dad badan haad ku gigaayo, maxaa u horreeyey ? Nin aakhiro cadaabta loo taxaabay, muxuu ku mutaystay ?
Su’aalaha sidaas u socda ayuu Ismaaciil isku deyey inuu jawaab ka bixiyo, in kastuusan inoo sheegayn jawaabta tooska ah ee gaar ahaan weydiin waliba u baahan tahay. Wuxuu jiri :
Gulaantawda’ habloodoo
Garoorkii iyo ciirtii
Ku ladnaatay gugii
Gurigooda dushiisa
Haddii qoon ka gableeyo
Ay gacaloy samcaney iyo?
Ku gooraamo ammaanta
Cabbaar ay garab roorto
Guuldarrayste sur xiirihi
Yarehe gees ula leexdo
Ay garac guudka ku qaaddo
Markay oodda ganeysey
Gurigooda ma joogine
Gasab baa u horreeyey.
Gaadiidkeeda haweeney
Gabtay oo ceshan weydey
Gurgurshahay raranaysey
Gudguduud’ ka dhaqaaqay
Gaalaw’ meel la haweeyey
Dabarkoo ay ku gaadhiyo
Qoofaiki: gelin weydey
Markay guuyadu fooftiyo
Markii uu makhrib gaabtay
Gogosheeda ku jiiftey
Galaxeeda dhamayseyyo
Hadba gees u dhacaysey
Gooraan goorna ahayn iyo
indhalaawe gudcur bay
Hadba geed is ag taagtay,
Galowgii kor u duuliyo
Gambadeedii col mooddeyoo
Libaax guudha la leexday
Oo gudguduudka kaleeto
Gorgorkiisu hableeyey
Markii ay ciddu guurtayoo
Garna oo rari waayey
Xamaantii ay geleysey
Hadba gees ka deyeysa
Gasab baa u horreeyey ;
Nimay gaajo dulleysey
Gotay oc macallulay
Gabankii wax u waayey
Koluu reer gabadhiisa
Intuu guudka ka laacay
Guuyadiisi ka dhiibay
Amuu geedka ka seexdayoo
Beryo Geydho' halleeyey
Gasab baa u horreeyey ;
Nin shisheeye u guuray
Haddii geed lagu ciilo
Amay guuto horayso oo
Maalinaa garbo waayo
Gasab baa u horreeyey ;
Hadday naagi gabawdo
Gablantoo kici weydo
Gorof baas la wareegto
Kolay goosan danqaabiyey’
Ama ay gurgur’ xaabtay
Ama ay gudaheeda
Ku gaadgaadday amuuro
Gasab 69a u horreeyey.
Meel ay Good‘ ololeyso
Gaabanyo sumucii iyo
Gariirayso rasaastu
Ragga haadku gigaayo
Golxaalow jabayeey iyo
Galaayuus ka baxaayo
Gashi laysku lahaa iyo
Gabar sayska dhirbaaxiyo
Gaban layska uleeyey
Godob laysaga dhaartay
Annagaa gob ahaynoo .
Gunnujgaannaafka hoosow
Nama gaari kartaan
Guuldaraa xigi doonta iyo
Gasab baa u horreeyey ;
Nin cadaabta la geeyey
Gogga loo dhigay naarta
Koluu waalid guhaaday
Amuu gaarrax' agoona
Guuyadooda’ ka qaadayoo
Ka gumaartay; calooshana
Gasab baa u horreeyey;
Maansadaa gasableeya
Gun waxaan uga yeelay
Meeluu khayr ku gadaantey
Gasab baa u horreeyey ;
Meel ay guuldarro joogtana
Gasab baa u horreeyey ;
Wuxuu tixda ku soo gebagabeeyey «Haddaad meel wanaag yaallo aragtaan horaa looga shaqeeyey, meel guuldarro iyo hoog ka taagan yahayna, waa sidoo kaloo markaas ka hor baa loogu talo galay !».